Dal Jacayl!

 

Kalmada dal amma waddan waxa ay ka kooban tahay oo ay ka turjumaysaa degenaansho, ammaan iyo loollan. Waa kalmad yar oo macno badan ku fadhida nolool ahaan iyo dareen ahaanba oo nabadgelyo iyo xasoolin ku dhisan. Marka aan ka hadlayno dal ama jacaylka aan u qabno dal aad u dhalatay, laguma xusi karo erayo iyo weedho kaliya ee dalku wuu ka macno badan yahay.

Jacaylka dalka ee quloobteena ku jira waa in aan ku muujinaa ficil iyo waxqabad muuqda, waa in aannu noqon hadal la iska yidhaahdo naf iyo maalba waa in aan ku bixinaa. Jacaylka waddanku waa masuliyad iyo waxqabad, waa xaq uu kugu leeyahay wajibna tahay in aad gudataa. Dal jacaylku waa wajib sharciya, waana in la difaaco Diintaada, waddankaaga Iyo sharaftaadaba.

Haddaba, waxa uu inaga sugaya in aynu u kacno u jeedadeennu noqoto dalkani sida uu u sii jiri lahaa oo horumar uu u gaadhi laha, laakiin mahaa in aad ka shaqayso burburkiisa,boobkiisa, kala fogaanshihiisa iyo dhiciisa, adiguna waxad ku leedahay xaq, laakiin sida u gu habboon ayaad ku helaysaa.

Bal cabaar isla hadal oo kaligaa cidla isula bax, waxaanad is waydiisa su’aalo fure u noqonaya in dalkan aad ka mid tahay dadka leh, in aad tahay inta tirada yar ee dalkani ku dhaato. Naftaada ku bilow intaanad calankaaga kor u qaadin oo magaciisa ku dhawaaqin adiga oo awoodada cuskanaya, adoo ixtiraamay waddaniyada waxa aad maskaxdaada waydiisa maxaan u qabtay dalkan ? Ma waxa aad ka mid noqotay dadka u soo jiiday amaanta? Ma isku dayday in aad ummada tusto waxa u yahay dalkaagu? Ma tahay muwaadin habaysan oo ilbaxnimo ku shaqeeya nidamka iyo sharciga ilaaliya?

Waxa muhiima in qof walba naftiisa ka bilaabo oo tariikhdeena iyo waxa ay ka tageen awoowyasheen dib ugu labanno, markaasaynu isbeddel badan aan arki doona .

Haddi aan dib u gu labaano tariikhdeena waxa aad helaysaa tiro ciidda ka badan oo u soo halgantay dalka oo naftooda u horay, maalkooda ku bixiyay si ay u ga xorereyaan gumaysigii haystay, laakiin inaguna waan ka xag jirna ummadaha kale oo laba jeer ayaan madaxbannaanida ummaddan u dagaalanay. Dadkaas naftooda biimeeyey waxa ay u socdeen oo kaliya dal jacayl ay u hayeen waddanka oo ay ficil ku dareen.

Waqtigan dhayal-dhayal ayaa ay inala tahay waxay mujahidiintii qabteen. Maanta oo aynu xorriyad taam haysano ayaan xejin kari la’nahay halka aan ku mashquuli lahayan dhiskeeda ayaan ku mashquulnay waxaan ayaaheeda ahayn .

Haddaba, si aan u gudano wajibkeena waxbarshada waa in aad ku dadasho oo meel walba ood isleedahay waxaa aad ka helaysa khibrad in aad ka qayb qadato ha ku koobnaan aqoonta aad baratay, kordhiso si aad shaqooyin kala duwan u qaban karto. cilmigana akhlaaqda wanaagsan ayaa mar walba ka horaysaa. cilmi bilaa akhlaaq ah faa’ido malaha, nafteena oo imaan yeelata oo ku shaqaysa xaq caddaalad, sinaan, shaqada lagu diro oo aad ka soo baxado sida ugu habboon sido nabigeeno yidhi “إنَّ اللهَ تعالَى يحبُّ إذا عمِل أحدُكم عملًا أن يُتقِنَه “ilaahay (SWT) waxa u jecel yahay midkiina haddii uu wax qabanayo in u sidiisa u qabto.

Waxaad arkaysaa dad badan oo halka ay isku hawli lahaayeen hagaajinta, horumarinta, dhisida iyo isku xidhka qaybaha kala duwan ee waddankooda indhaha ka lalinaya, una hanqal taagaya dalalka kale ee reer galbeedka ee dadkii lahaa ka shaqaystee, iyaga gacmaha is qabsaday oo ka ilaalinaya wax kasta oo wax yeelaya ama hoos u dhigaya sumcada iyo karaamada waddankooda.

Geesta kalana Waxaad arkaysaa amma maqlaysaa bil kasta dad badan oo tahriibayaal ah oo ka yaacay waddamadooda, iyagoo higsanaya dalalka Yurub, balse qaar badan oo ka mid ah ku dhamaanayaan saxaraha iyo badweynta, lana soo gurayo maydkooda ama aan la helinba raq iyo ruux mid toona.

Erayadan kooban waxa aan ku cabiray qiimaha uu dhulku muwaadinka ka leeyahay:

Haddi aan dhulkaygaw,

Haddi aanan ku dhiman

Dhiig kugu fooldhaqan

Dhuuxayga ku shubin

Dhulkayga hooyaw

Dhaxanta iyo kulaylkuba

Aniga may dhibbayaan

Waxaan odhan lahaa dadkaasi ku daalaya in ay wadamada kale ku hamiyaan sidii ay u tagi lahaayeen uga soo xoogsan lahaayeen, waxa aad dhugataan suugaanteena

Bariis adoon tegin

Amma boon ka sheekayn

Barashada Dhulkaaga

Horta laga bogtaayo

Beryo la isku hawlaa

(Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi)

Dalku waa tarikhda xadirkeena iyo mustaqbalkeena oo jiri doona waa in jiilalka inaga danbeeya wax uga tagana oo u yeelanaa xadaaro lagu faano oo waqti badan sii jirtaa .

 

 

W/Q: Ibtisam Mustafe Maxamed (Garaw)