“Dahabshiil wuxuu ka mid yahay shirkadaha safka hore kaga jira u adeegista bulshada, u samafalka shacabka iyo gurmadka hawlaha qaranka” – MUUSE BIIXI

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, ayaa shirkadda Dahabshiil ku sifeeyey inay kaalinta hore kaga jirto u adeegista iyo Sama-falka Shacabka isla markaana aanay geyin aflagaaddo meel looga dhaco Xuquuqda Dastuurkeedu jideeyey ee ganacsiga Xorta ah.

muuse biixiGuddoomiye Muuse Biixi oo daba-socda hadal dhawaan ka soo yeedhay xubin ka mid ah qurbejoogga Beesha uu ka soo jeedo Guddoomiyaha Kulmiye, waxa uu raalli-gelin ka bixiyey waxa uu ku tilmaamay hadal deel-qaaf ah oo lagu weeraray Shirkadda Dahabshiil.

Muuse Biixi Cabdi waxa uu sidaas ku sheegay, warsaxaafadeed uu maanta soo saaray, kaas oo u dhignaa sidan: “Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Md Muuse Biixi Cabdi wuxuu ka raaligalinayaa shirkadda Dahab-shiil hadal gaf ah oo ka soo yeedhay xubin ka tirsan xubnaha qurba-joogga xisbiga Kulmiye.

Dahabshiil wuxuu ka mid yahay shirkadaha safka hore kaga jira u adeegista bulshada, u samafalka shacabka iyo gurmadka hawlaha qaranka.

Sidaa daraadeed Dahabshiil iyo shirkadaha kalaba ma gayaan in lagu yidhaa waxaan qabanin. Sida Dastuurkeenu qorayo waxaynu leenahay ganacsi xor ah, oo dalka oo dhan u adeega.

Mar kale waxaanu kaa raaligalinaynaa guud ahaan ganacsatada wixii duulduul ka soo gaadha hadalada siyaasadda.”

Raalli-gelinta Guddoomiye Muuse Biixi, ayaa ka dambaysay hadal uu mid ka mid ah Qurbejoogga xisbigu ka sheegay xaflad lagu qaaddacay go’aamadii Golaha Guurtidu ku soo af-jartay Khilaafkii Kulmiye oo Hargeysa ku qabsoomay todobaadkan, kaas oo Qurbejeegga beelaha Subeer Awal ugu baaqay in ay joojiyaan isticmaalka xawilaadda lacagaha ee shirkadda Dahabshiil.

 

SOMALILANDPOST.NET