DAAWO:Weftigii Wasiirrada oo Kulan La Yeeshay Ardayda Somaliland ee Wax ka barta Masar

Qaahira (SLpost)- Wasiirka Arrimaha dibadda iyo Iskaashiga caalamiga ah Md. Maxamed Biixi Yoonis iyo Wasiirka waxbarashada iyo tacliinta Sare Marwo Sam-sam Cabdi Aadan oo socdaal shaqo ku jooga dalka Masar, ayaa kulan la yeeshay ardayda reer Somaliland ee wax ka barta dalkaas.

Weftigu waxay ardayda uga xog warameen ujeedada socdaalkooda oo ay ku sheegeen inuu xidhiidh la leeyahay sidii loo sii adkayn lahaa wax wada qabsiga labada dal Somaliland iyo Masar.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Maxamed Biixi Yoonis ayaa ardayda uga xog waramay wada hadaladii Somaliland iyo Soomaaliya oo uu sheegay in dalka Soomaaliya cagta jiidayo, isagoo intaas ku daray inay si cad ugu sheegayaan Soomaaliya in aanu gooni isku taaga Somaliland laga noqon doono.

OLYMPUS DIGITAL CAMERA

Hoos ka Daawo

Somalilandpost.net

Qaahira