Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu maanta ka qaybgalay xaflad qiimo badan oo xadhigga uu kaga jaray Wejigii koowaad ee Dhismaha jidka Dawga-cad oo isku-xidha magaalada Hargeysa iyo deegaannada Woqooyiga Hargeysa.
Madaxweynaha oo saaka ka amba-baxay Caasimada Somaliland ee Hargeysa ayaa intii uu dhex maraayey jidadka waa weyn ee caasimada waxa si weyn ugu soo dhaweeyey shacbiga caasimada isaga oo madaxweynuhu sii watay socdaalkiisa waxa uu tuulooyinka iyo degmooyinka ku sii maray bulshada qaybeheeda kala duwan oo si diiran ugu soo dhaweeyey kolba halka weftigi soo gaadho.
DAAWO SAWIRRADA