DAAWO: Musharraxiinta Xisbiyada Iyo Guddiga Doorashada Oo Si Wada-jir Ah Shacabka Farriin Ugu Diray

Hargeysa (Slpost) – Musharraxiinta Saddexda Xisbiyada Qaranka Somaliland iyo Guddiga Doorashooyinka, ayaa si wada-jir ah Farriin ugu diray Guud ahaan Shacabka, waxayna ugu baaqeen inay u Midoobaan ilaalinta Amniga Qaranka, Maalinta Doorashadana si Wanaagsan uga qayb-qaataan.

Musharraxiinta iyo GDQ

Musharraxiinta Madaxweyne-nimo ee Xisbiyada KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa kulan ay la yeesheen Guddiga Doorashooyinka Qaranka, waxay si wada-jir ah ula hadleen Saxaafadda, iyagoo dhammaantoodna muujiyey Midnimo iyo Walaalnimo.

Warkaasi oo Faahfaahsan Halkan Hoose Ka Daawo