DAAWO: Madax-dhaqameedka Soomaaliya oo Madaxweyne Siilaanyo hortiisa kaga dhawaaqay Aqoonsiga Somaliland

DAAWO: Madax-dhaqameedka Soomaaliya oo Madaxweyne Siilaanyo hortiisa kaga dhawaaqay Aqoonsiga SomalilandHargeysa (SLpost)- Xubno ka mid ah wefti ka kooban madax-dhaqameed iyo odayaal ka socday Soomaaliya oo muddooyinkii u dambeeyey socdaal ku joogay dalka, ayaa shalay ka qayb-galay xuska munaasibadda 18-ka May ee maalinta Qaranimada Somaliland.

Sidoo kale, Munaasibad xalay ka dhacday Qasriga madaxtooyada, laguna weynayey  maalintan  oo lagu martiqaaday madax-dhaqameedkan, ayaa mar kaliya isu beddeshay jewi soo jiiday dareenka dadkii ka qayb-galay, ka dib markii guddoomiyaha madax-dhaqameedka Soomaaliya ee isla markaana ah Suldaanka beesha Daarood ee weftiga la socday uu goobtaas kaga dhawaaqay inuu Aqoonsiga Somaliya kaga xidhan ku wareejinayo madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Siilaanyo.

DAAWO