DAAWO: Ciidamada Ammaanka oo Xabsiga u Taxaabay Suxufiyiin Bannaan-bax Salmi kaga dhigay Cadaalad-darro lagula Kacay Mid ka mid ah Warbaahinta Dalka

Hargeysa (SLpost)- Ciidamada Ammaanka Somaliland ayaa xabsiga u taxaabay Afar Wariye oo ka mid ahaa koox Suxufiyiin ah oo maanta sameeyay bannaan-bax salmi ah oo ay kaga cabanayeen caddaalad-darro Wargeyska Hubaal ka tirsaday xukuumadda, ka dib markii sida la sheegay la siidaayay nin u xidhnaa weerar sannadkan horaantiisii lagu qaaday xarunta Wargeyska ee magaalada Hargeysa, kaas oo lagu dhaawacay Guddoomiyaha Hubaal Media Group.

Afarta Wariye oo ka kala tirsan hay’adaha Warbaahinta Madaxa-banaan ee ka hawl-gala Magaalada Hargeysa, ayaa lagu xidhay saldhigga Dhexe ee Magaalada Hargeysa.

xadhiggaWariyayaasha oo hadda ku xidhan saldhiga dhexe, ayaa la diiday in eheladoodu ay u geeyaan Qadadii ama arkaan, iyada oo aan la garanayn sababta ciidamada amaanku sidaasi ugu cadaadinayaan.

Mudaharaadka salmiga ah ee Wariyayaasha loo xidhay, ayaa waxa soo abaabulay Wargeyska Hubaal oo gacan ka helaya ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA iyo ururrada xuquuqal iinsaanka u dooda qaarkood.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

Weriyeyaashan maanta la xidhay, ayaa tirada Suxufiyiinta Somaliland lagu xidhay intii Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo jirtay tan iyo 27 July 2010, ka dhigaysa tiro lagu qiyaasay ilaa 123 Wariye iyada oo intii ay Xukuumaddani jirtay markii ugu horreysay dil toos ah Kooxo hubaysani ku fuliyeen magaalada Laascaanood Weriye ka tirsanaa Telefishanka xaruntiisu tahay magaalada London ee Universal.

Weerarka lagu qaaday Wargeyska Hubaal Bishii Afraad ee Sannadkan, ayaa waxa fuliyey Laba Nin oo ka tirsanaa Booliska Somaliland kuwaas oo wakhti habeennimo ah iyaga oo hubaysan Xarunta Wargeyska ugu galay Maamulka iyo Shaqaalaha, isla markaana halkaa dhaawac ugu geystay Maareeyaha Wargeyska Hubaal Maxamed Axmed Jaamac (Caloolay) oo ay Gacan ka jabiyeen, waxaanay shaqaalaha Xaruntaasi ku guulaysteen inay gacanta ku dhigeen mid ka mid ah labada nin ee weerarka fuliyey isla makaana ay gacanta u geliyeen Ciidamada Booliska, kaasoo xidhnaa ilaa wakhtigaas balse sabab la’aan ay Xukuumaddu ku sii daysay iyada oo aan kiiskiisa wax Maxkamad ah loo gudbin.

Xukuumaddu dhawr bilood ka hor ayay Xayiraad ay ku soo rogtay Wargeyska Hubaal ka qaadday, ka dib waanwaan iyo wadahadal ka dambeeyey Xadhig iyo Ganaax ay kula kaceen Maareeyaha iyo Tifaftiraha Wargeyska Hubaal Xasan Keefkeef iyo Maxamed Caloolay, ka dib markii uu Wargeysku muddo saddex bilood ku dhaw xayirnaa.

Si kastaba ha ahaatee, Xukuumadda Xisbiga Kulmiye oo xilligii ay mucaaradka ahaayeen ku faani-jiray inay u dabran yihiin ilaalinta Xuquuqda Suxufiga iyo Xorriyadda Saxaafadda, ayaa wakhtigan u muuqata inay u badheedhay cabudhinta saxaafadda madaxa-bannaan ee dalka oo iyadu  madaxweyne Siilaanyo halgan kula soo gashay Hanashada hoggaanka dalka.

SOMALILANDPOST.NET

contact@somalilandpost.net