Advertisement
Berbera (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo safar shaqo ku jooga magaalada Berbera ee gobolka Saaxil, ayaa maanta xadhigga ka jaray mashaariic waddooyin iyo dhismeyaal isugu jira oo laga hirgeliyey gudaha magaalada magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil.
Ugu horrayn madaxweynaha oo ay wehelinayaan xubno kamid ah maamulka gobolka Saaxil iyo degmada Berbera iyo xubno kamid ah golaha wasiirrada, ayaa soo kormeeray mashaariic waaweyn oo dhinaca horumarka ah oo gudaha magaalada Laga hirgeliyey, kuwaas oo kamid ah qorsheyaashii saddex biloodka ahaa ee ay fulisay dawladda Hoose ee Berbera, islamarkaana bilic kusoo kordhiyey magaalada.
Advertisement
Advertisement