Hargeysa (SLpost)- Ciidanka Booliska ee Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa gacanta ku dhigay gacan-ku-dhiigle laba qof ku toogtay magaalada Hargeysa habeen hore, kaas oo markii uu falka geystay u baxsaday dhinaca dalka Ethiopia.
Gacan-ku-dhiiglaha oo lagu magacaabo Cabdiqani Rashiid Xasan, ayaa toogasho ku dilay Marxuum Cawaale Nuur Bilaal halka uu dhaawac u geystay haweenay la socotay xilli habeenimo ah. Ciidanka Boolisku waxa ay sheegeen in gacan-ku-dhiiglaha oo u baxsaday dhinaca dalka Ethiopia, ay ka daba-tageen Ciidamo ku gaashaaman laba gaadhi, kuwaas oo markii dambe ku soo qabtay tuulo lagu magacaabo Dhoobo-guduud oo ku taalla gudaha Dalka Ethiopia isla markaana xuduudka Somaliland u jirto 50km.
War-saxaafadeed ka soo baxay xarunta taliska ee Ciidanka Booliska Somaliland, ayaa lagu sheegay in Ciidanka Booliska Somaliland oo kaashanaya ciidanka ammaanka deegaanka Soomaalida Ethiopia ay gacanta ku soo dhigeen Gacan-ku-dhiiglaha falka geystay.
Warka ka soo baxay ciidanka Booliska oo lagu faahfaahiyey bilowga Hawl-galkii Ciidanka Booliska oo ka baxay magaalada Hargeysa iyo sida ay ugu suurta-gashay inay soo qabtaan gacan-ku-dhiiglaha, ayaa lagu bilaabay sidan:- “Taariikhdu markay ahayd 23/7/2022 Abaaro 2:20 habeenimo waxa magaalada Hargeysa lagu dilay Marxuum la odhan jiray Cawaale Nuur Bilaal sido kalana dhaawac la gaadhsiiyey Haweenay ay wada socdeen Marxumka la dilay, kaas oo u dilkaasi gaystay gacan ku dhiigle Cabdiqani Rashiid Xasan.
Dhacdadaas markii uu ku war helay Boolisku waxay Saacad wax ka yar ku aqoonsadeen gacan ku dhigle Cabdiqani Rashiid Xasan, waxayna boolisku ogaadeen jihada uu u baxsaday iyo deegaanka uu ka soo jeedo.” Sidaas ayaa lagu yidhi warka ka soo baxay Ciidanka Booliska.
Waxa kale oo war-saxaafadeedka lagu yidhi, “Saacadu markay ahayd 4 habeenimo isla wakhtigaas Taliyaha Saldhiga New Hargeysa Gaashaanle Baashe Aw Dheer oo wata laba baabuur oo ciidanka boolisku leeyihiin ayaa ka daba shiraacday Jihada Koonfureed oo gacan ku dhiiglihu u baxsaday. isla Saacadu markay ahayd 9 subaxnimo wuxuu gacan ku dhigluhu ka talaabay magaalo xuduudeeda Labi-Sagaale oo Koonfur-bari ka xigta 120 km magaalada Hargeysa.
Intaas ka dib waxa uu Gaashaanle Baashe xidhiidh la sameeyay isagoo adeegsanaaya wada shaqaynta ka dhaxaysa labada ciidan ee Booliska Somaliland iyo booliska dowlada deegaanka, waxa halkaasi lagaga daray labadeeni gadhi ee Ciidanka Booliska JSL wateen gaadhi kale oo uu watay kornayl ciidanka dawlada deegaanka ah, waxayna 50 km u galeen Tuulada Waaba-caddo oo ka tirsan Deegaanka Soomaalida Ethiopia, halkaas oo uu ku shidaal beelay gaadhigii uu watay gacan ku dhiigluhu intaas ka dib si ninka loo raadiyo ciidanku waxa uu bilaabay lug isla shalay 12 saacadood gudahood markuu dilku dhacay waxa lagu qabtay magaalada Dhoobo-guduud oo 50 km ku taala gudaha Ethiopia.”
Ciidanka Booliska Somaliland waxa ay u mahad-celiyeen laamaha ammaanka deegaanka Soomaalida Ethiopia oo hawl-galkan kala shaqeeyey, “Waxa mahadda kowaad iska leh Ilaahay oo noo fududeeyay qabashada gacan ku dhiiglaha mahada labaadna waxa leh dadka shacabka ah ee labada dhinac ee sida fiican ula shaqeeyay labada Ciidan. Sido kale waxa aanu u mahad-naqaynaa Ciidankii dawlada deegaanka iyo madaxdodii sida fiican ula shaqaysay Ciidanka Booliska JSL. Ugu dambayen waxaanu Hambalyeynaynaa Ciidankii Booliska iyo Taliyahodii ku soo guulaystay Hawlgalkaasi,” sidaas ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka ka soo baxay Ciidanka Booliska ee Somaliland.
Somalilandpost.net
contact@somalilandpost.net