Ciidamada Booliska Hargeysa oo ku Hungoobay Isku-day ay ku doonayeen inay Ku xidhaan Guddoomiyaha HUBAAL

Hargeysa (SLpost)- Dadweyne ku sugnaa agagaarka garoonka Timacade ayaa shalay ku qamaamay Askar ka tirsan Booliiska oo uu hogaaminayey Hogaanka Hawl-gelinta Ciidanka Booliiska Somaliland oo doonayey inay xidhaan Gudoomiyaha Wargeyska la xayiray ee Hubaal Maxamed Axmed Jaamac.

hubaal2(1)Booliiska ayaa la sheegay in uu goobta kala kulmay gadood kaga yimi dadweynaha goobta ku sugnaa kuwaas oo xoog kaga sii daayey Guddoomiyaha Wargeyska Hubaal, waxaana la sheegay booliisku in ay faraha ka qaadeen markii ay la kulmeen xaalad culus.

Booliiska ayaa sadex cisho kla hor albaabada u laabay Wargeyska Hubaal iyagoo Amar xayiraad ah ka soo qaatay Maxkamadda Gobolka, halka la sheegay in ay Guddoomiyaha iyo Tafatiraha wargeyskaasi la doon doonayaan Waaran qabasho ah.

Ilo wareedyo u dhuun daloola dhacdadan ayaa sheegay in ay talaabadani Booliiska sii cadho galisay isla markaana laga yaabo in ay ku talaabsadan hawl-galo ay ku xoojinayaan qab qabashada masuuliyiinta Wargeyska Hubaal.

SOMALILANDPOST.NET