Ciidamada Badda Somaliland iyo Midowga Yurub oo Hawl-gal Carbis ah wada-jir uga fuliyey duleedka Berbera

Berbera (SLpost)- Ciidamo ka tirsan Hawl-galka Midowga Yurub ee la-dagaalanka Budhcad-badeedda iyo Ciidamada Ilaalada Xeebaha Somaliland, ayaa xeebaha magaalada Berbera si wada-jir ah uga fuliyey hawl-gal carbis ah oo lagu tabobarayey Ilaaladaha Xeebaha Somaliland gurmadka deg-degga ah iyo baadi-doonka dadka ku qaraqma biyaha badda.

Hawl-galkan oo uu soo qaban-qaabiyey Xafiiska Somaliland ee Hawl-galka la-dagaalanka budhcad-badeeda ee Midowga Yurub ee EUCAP Nester, ayaa gunaanad u ahaa tabobar 8-dii bishan June u bilaabmay Ilaalada Xeebaha Somaliland oo ka socday duleedka Xeebta magaalada Berbera oo fadhiisin u ah Ciidamada Badda Somaliland, iyadoo hawl-galka lagu fulinayey doonyaha Dheereeya ee Qoryuhu ku rakiban yihiin oo Midowga Yurub ugu deeqay Somaliland, kaas oo hawl-galkani u ahaa tijaabadii u horreysay ee lagu sameeyo.

EUCAP BerberaSida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska EUCAP Nester shalay, taageerada iyo tabobarrada la siiyo IXS, ayaa qayb ka ah kor-u-qaadista Agabka ay ku hawl-galaan iyo Ciidamada badda dalalka Geeska Afrika, waxaana ka qayb-qaadanayey Saraakiil sar-sare oo ka tirsan Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan la-dagaalanka Dambiyada iyo Mukhaadaraadka (UNODC) xafiiskooda magaalada Berbera.

“Waxa tabobarkan ka soo baxay inay si fiican u fahmeen qorshaynta iyo samaynta gurmadka deg-degga ah ee Badda iyo farsamooyinka ugu habboon ee baadi-doonka biyaha badda oo ay weheliyaan gargaarka deg-degga ah, taas oo fursad u siinaysa inay si firfircoon uga jawaabaan xaaladaha gurmadka biyaha Badda laga sameeyo. EUCAP Nester waxay ka geystay shidaalka doonyaha ee dabobarka lagu sameeyey, waxaanay ugu deeqday qalabka lagula dagaalamo dabka.

EUCAP berbera2Ilaallada Xeebaha Somaliland waxay xilligan la tacaalayaan tirada sii kordhaysa ee qaxoontiga ka imanaya dalka Yemen oo sii kordhiyey baahida loo qabo barashada xirfadaha gurmadka deg-degga ah ee badda,” Sidaas waxa lagu sheegay war-saxaafadeedka ka soo baxay Xafiiska EUCAP Nester ku leeyahay Somaliland.

Waxa kale oo war-saxaafadeedka lagu sheegay in wejiga labaad ee Hawl-galka Carbiska ah la samayn doono bisha September ee sannadkan, iyadoo gunaanadka wejiga labaad ee tabobarka lagu wareejin doono Illaalada Xeebaha Somaliland Markab ay ku hawl-galaan.

IXSHawl-galka carbis ee laga sameeyey duleedka Berbera, ayaa ku soo beegmay iyadoo Jimcihii shalay ay ahayd maalinta Caalamiga ah ee Bad-mareennimada oo laga xusay Somaliland, taas oo ay wada-jir u soo qaban-qaabiyeen Akedamiga Cilmiga Badda Berbera, Ilaalada Xeebaha Somaliland iyo EUCAP Nester.

EUCAP Nester oo ka hawl-gasha dalalka Geeska Afrika iyo Galbeedka Badweynta Hindiya, fadhigooduna yahay magaalada Djibouti, ayaa xarumo ku leh magaalooyinka Nairobi oo xafiiska Somaliya laga xukumo, Victoria ee dalka Sychelles, Hargeysa ee Somaliland iyo magaalada Dar Es Salam ee dalka Tanzania.

SOMALILANDPOST.NET