Chelsea oo u badheedhay Khasaaraha Qiimihii uu Torres ku joogay, Suuqana ku soo dhigtay 20milayn oo Gini

London, (SLpost)- Kooxda Chelsea ayaa ka dhur-sugaysa dalab ay kooxo ku soo codsadaan ciyaartoyga Qiimaha badan ku jooga ee Fernando Torres marka bisha soo socota uu furmo suuqa kala iibsiga ciyaartoygu.

Torres: In kasta oo 50 Milyan laga bixiyey haddana ku fashilan inuu soo celiyo sumcaddiisii

Weeraryahankan reer Spain oo todobaadkiiba mushahar ahaan u qaata £150,000, waxa uu horyaalka Ingiriiska ka dhaliyey laba gool oo kaliya tan iyo markii uu bishii January ee sanndkan kooxda Liverpool uga wareegay garoonka Stamford Bridge.

In kasta oo kooxda Chelsea ay qorshaysay inay amaah ugu diraan koox kale si uu dib u dhis ugu sameeye kalsoonidiisa baahday, haddana waxa imika ka go’an inay iska iibiyaan ciyaartoygan £50 milyan ku jooga.

Kooxdu waxay go’aansan doonaan inay u badheedhaan khasaare ka soo gaadha qiimaha ay soo siisteen ciyaartoygan oo noqday kii ugu qaalisanaa taariikhda kubadda cagta Ingiriiska, waxaanay ka dhur-sugi doonaan koox kasta oo u diyaar ah inay ku iibsato qiimo ku dhow 20 milyan isla markaana diyaar u ah inay iska bixiso mushaharka xad-dhaafka ah ee uu dalbanayo.

TORRES: Waxa uu noqday Ciyaartoygii ugu Qaalisanaa Taariikhda Suuqa kala iibsiga ciyaartoyga Horyaalka Ingiriiska

Markii uu tabobare Andre Villas-Boas uu la wareegay kooxda Chelsea, waxa lagu qanciyey in Torres uu dib u hanan karo qaab-ciyaareedkii lagu yaqaanay ee ka dhigay mid ka mid ah weeraryahannada u cad-cad kubadda cagta adduunka.

Waxaanu tabobaruhu rejaynayey in imaanshihii kooxda ee Juan Mata kaga soo wareegay naadiga Valencia uu wax ka beddeli karo qaab-ciyaareedka Torres, laakiin xataa taasi way suurto-galin weyday inuu xiddigga reer Spain dib u hanto guulihiisii hore.

In kasta oo Chelsea ay dul-qaad u yeelatay 27 jirkan, isla markaana ay rejaynayeen koox weyn oo ka iibsata si ay qiimihiisii hore uga helaan, haddana way ku fashilmeen maadaama oo ay ka hadheen tartanka Champions League oo ah ka ugu weyn Yurub ee lagu qiimeeyo Ciyaartoyga.

Xiddiggan dalkiisa Spain kula guulaystay koobka Adduunka waxa ku dul habsatay masiib tan iyo intii uu u wareegay Chelsea waxaanu imika dhanka muhiimadda Safidda ka dambeeyey weerar yahannada kale ee Didier Drogba iyo Daniel Sturridge.

DANIEL STURRIDGE: Ciyaartoyga TORRES muhiimadda laga siiyey dhanka weerarka

Kulankii ay Chelsea guusha ka gaadhay ee habeenkii Isniinta ay isku haleeleen Manchester City, waxa uu Torres fadhigay kursiga Sugaha ilaa ay ciyaartu dhammaanaysay, waxaana la arkayey isaga oo aan ciyaartoygii kale la dabbaal-degin markii ay Siidhiga la afuufay.

Tani waxay hoosta ka xarriiqaysaa isku-buuqa Torres ka haysta booskiisa laga qaaday isla markaana uu wakhtigan xaadirka ah dibadda ka joogo kooxda Chelsea.

TORRES (goobaabinta Cad) oo aan Asxaabtiisa la dabbaal-degayn Guusha Kulankii Man City

In kasta oo uu weli sumcad iyo kaalin muhiim ka haysto taageerayaasha kooxdan reer London, waxa uu ku fashilmay inuu sii ahaado mid ka mid ah ciyaartoyga ugu wanaagsan kubadda cagta adduunka.

Markii uu kooxda yimi wax gool ah muu dhalin 13 kulan, laakiin ugu dambeyntii waxa uu gool la’aanta ka baxay gool uu dhaliyey guushii ay kooxdiisu 3-0 kaga badisay West Ham April 23, haseyeeshee waxa uu haddana gool la’aan ku dhacay sagaal kulan ka hor intii aanu gool ka dhalin Manchester United 18kii Bishii September ee Sannadkan.

Ilaa wakhtigan, waxa uu kooxda Chelsea xilli-ciyaareedkan u dhaliyey Afar gool, in kasta oo lagu 11 kulan uu ka mid ahaa ciyaartoyga lagu bilaabay, kuwaas oo laba ka mid ah ka dhaliyey kooxda Genk kulankii Champions League ee badhtamaha bishii Oktoobar.

Somalilandpost.net

Sports@somalilandpost.net