Cali Waran-cadde oo fashiliyey Qorsheyaal Dhabar-jab ku ah Soomaaliya oo Farmaajo ku Doonayo Sii-haysashada Hoggaaminta Dalkaas

 

Hargeysa (SLpost)- La-taliyaha Gaarka ah ee Madaxweynaha Somaliland, Siyaasi Cali Maxamed Warancadde, ayaa soo bandhigay qodobbo uu madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo uga shidaal-qaadanayo Wax uu ku tilmaamay Talo-xumada iyo Damaciisa Siyaasadeed ee u ku wejahan hoggaaminta dalkaasi Soomaaliya.

Siyaasi Cali Waran-cadde waxa uu sheegay in talo-xumada Madaxweyne Farmaajo uu ku damacsan yahay hanashada hoggaaminta dalkaa gun-dhig u tahay heshiisyo qarsoodi ah oo uu la galay waddamo shisheeye, taasina ay dhabar-jab ku tahay madax-bannaanida iyo ammaanka Soomaaliya.

Md Cali Waran-cadde oo arrimahan kaga hadlay Qoraal uu baahiyey bartiisa Facebook, waxa uu xusay in arrimaha ugu muhiimsan damaca Farmaajo ku doonayo gacan-ku-sii haynta hoggaaminta Dalkaas ka mid yihiin sidii uu awood ugu muquunin lahaa siyaasiyiinta mucaaridka iyo hoggaamiyeyaasha maamul-goboleedyada dalkaasi Soomaliya.

Qoraalka Cali Waran-cadde ku baahiyey bartiisa Facebook, ayaa u qornaa sidan:-

“Tala Xumadii iyo Damacii Farmaajo oo laba midkood ku soo biyo shubaneysa

  1. In uu isticmaalo Cudud Milatary oo Dalkaasi u horseedda Burbur aanu Mahadin,
  2. In uu iscasilo oo uu badbaadiyo Naftiisa iyo Dalka Somaliya.

Waxaa kale oo ka mid ah Talo Xumooyinka iyo khiyaamooyinka uu Cayaarayo Farmajo in uu Dib u isticmaalo Ra’iisal wasaarihiisii Hore Mr Khayre oo tuhun badani hadheeyey kaalinta uu Cayaarayo Mr Kheyre, oo iminka dhex fadhiya shirarka Mucaaridka. Waxaase laga yaabaa halkii uu ugu Talo galay inuu Mr. Khayre uu Farmaajo wax uga taro in aan la isla gaadhin marka laga eego Jidka uu Iminka Doonayo Farmaajo in uu wax mariyo Oo ah mid ka fog in Dalkaasi ay ka dhacdo Doorasho la isla ogol yahay.

Tan labaad Maadaama la ogyahay in uu Madaxweyne Farmaajo La Galay Heshiisyo QARSOODI ah Dalal shisheeye ah , heshiisyadaa oo halis galinayo Madaxbanaanida Somalia iyo Amniga qaar ka mid Dalalka Khaliijka ee Carbeed.

Waxaa Farmaajo ka go’an in uu waddo kasta u maro sidii uu ugu sii nagaan lahaa Hogaanka Somalia oo ay ugu horeyso in uu Mucaaridka iyo Maamul Goboleedada uu ku muquuniyo Xoog, arrintaasi oo isaga iyo Xulafadiisu ay mudo dheer si weyn uga shaqeynayeen waxaase aad u fog sidii arrinkaasi ugu hirgali lahaa madaama aan xukunkiisa lagu wada kalsooneyn.

Sidaa awgeed Somaliya Maanta uma baahna in xoog iyo Boob la isku Muquuniyo ee waxay u baahan tahay in laga Taliyo sidii loo badbaadin lahaa Bulshada Reer Somaliya ee mudada aan helin Cid wanaag ugu talisa.” Sidaas ayuu Cali Waran-cadde ku yidhi qoraalkiisa.

Siyaasi Cali-warancadde oo dhawaan sidan oo kale uga hadlay siyaasadda Soomaaliya, waxa uu kaga dhawaajiyey in hirdanka siyaasadeed ee xilligan ka socda dalkaas oo badhtamaha sannadkan dambe inay doorashooyin ka qabsoomaan loo qorsheeyey, ay ku hirdamayaan waddamo shisheeye oo dabada ka riixaya siyaasiyiinta ku loollamaya xilka madaxtinimo ee dalkaas.

Cali Maxamed Warancade ayaa ka mid ah Siyaasiyiinta waayo-aragga ah ee Somaliland, isagoo 25-kii sanno ee u danbeeyey xilal wasiirnimo ka soo qabtay Xukuumadihii u kala dambeeyey dalka, isagoo la soo shaqeeyey 5-tii madaxweyne ee isaga kala dambeeyey talada dalka ilaa xilligan, waxaanu ugu yaraan xilal Wasiirnimo ka soo qabtay ilaa 10 wasaaradood oo uu 4-tii madaxweyne ee hore kala soo shaqeeyey.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net