Boqorka Sacuudiga iyo Obama oo kulmay

150828061631_saudi_king_salman_512x288_epa_nocredit

US(SLpost)-Boqor Salmaan-ka Sacuudi Carabiya ayaa magaalada Washington kulan kula leh madaxweynaha Mareykanka, booqashadan oo ah tii ugu horeysay ee uu Mareykanka ku tago tan iyo intii uu xukunka la wareegay bishii Janaayo.

Boqor Salmaan ayaa sheegay in dalkiisa uu Mareykanka kala shaqeyn doono sidii nabad looga dhalin lahaa Bariga Dhexe.Madaxweyne Obama ayaa dhankiisa sheegay in uu boqorka kala hadli doono arrimo ay ka mid yihiin dagaallada Yemen, Suuriya iyo weliba heshiiska dhawaan laga gaadhay barnaamijka nukliyeerka Iran.

Madaxweyne Obama ayaa ku cadaadiyay boqor Salmaan inuu u ogolaado hay’adaha gargaarka in ay si aan shuruud lahayn uga howlgalaan Yemen, halkaasi oo xulafada uu Sacuudiga horkacayo ay dagaal kula jiraan fallaagada Xuutiyiinta.

Xidhidhrka u dhexeeya Mareykanka iyo Sacuudiga ayaa la sheegay inuu xumaaday, kaddib markii uu madaxweyne Obama ka gaabsaday duulaan ka dhan ah xukuumadda Suuriya, iyo weliba taageerada uu Mareykanka u fidiyay heshiiska nukliyeerka Iran, oo uu Sacuudiga ka cabsi qabo in uu dalkaasi u sahlayo sameysashada hubkaasi wax gumaada.

Bishii Mey ee sanadkan, boqor Salmaan ayaanan ka qeybgelin shir madaxeed ay hogaamiyayaasha Khaliijka madaxweyne Obama kula qaateen Mareykanka.

Saraakiil sare oo ka tirsan maamulka Obama ayaa u sheegay wargeyska New York Times, in waaxda difaaca ee Mareykanka, Pentagon, ay dhameystireyso heshiis dhanka hubka ah, oo ku kacaya hal bilyan oo doolar, kaasi oo ciidanka Sacuudiga looga iibinayo hub ay kula dagaalamaan Xuutiyiinta iyo ururka isku magacaabay Khilaafada Islaamka.

Heshiiska ayaa waxaa qeyb ka ah in Sacuudiga laga iibiyo diyaaradaha dagaalka ee F-15 loo yaqaano, sida ay saraakiishu sheegeen.

Hay’adaha u dooda xuquuqda aadanaha ayaa ku dhaliilay madaxweyne Obama taageerada uu u fidiyo duulaanka uu Sacuudiga horkacayo ee ka socda Yemen, kaasoo ay ku dhinteen boqolaal qof oo rayid ah.