Boqor Mustafe Xuseen Cali oo soo dhoweeyay Heshiiska Nabadeed ee ay Xukuumaddu ka Gaadhay BUUHOODLE

Hargeysa (SLpost) – Boqor Mustafe Xuseen Cali oo ka mid ah Madax-dhaqameedka Somaliland ayaa ka hadlay aragtidiisa ku aaddan heshiiska ay Xukuumadda Somaliland la gashay hoggaamiyihii hore ee jabhadda SSC iyo ciidamada Qaranka ee dib looga soo raray fadhiisinkoodii hore ee Sool-Joogta.
Boqor Mustafe oo maanta warbaahinta ugu warramayay magaalada Hargeysa waxa uu sidoo kale isbarbardhig ku sameeyay habdhaqankii madaxtooyadii Rayaale iyo ta xukuumadda iminka ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Siilaanyo.
“Waxaan soo dhoweynayaa heshiiska ay wada gaadheen Xukuumadda Somaliland iyo weftigii deegaanka Buuhoodle ee uu hoggaaminayay Saleebaan Xaglo-toosiye. Runtii nabad deegaankaas ka dhalata aad baa loogu baahnaa, waana guul u soo hoyatay dhammaan ummadda Somaliland. Waxaan Madaxweyne Siilaanyo ku bogaadinayaa sida hawlkarnimada leh ee uu uga dhabeeyay gogoshii nabadeed ee uu hore ugu baaqay,” ayuu hadalkiisa ku bilaabay Boqor Mustafe Xuseen Cali.
Xil. Cabdiqaaddir Indho-indho oo ka mid ah mudaneyaasha golaha Guurtida Somaliland, ayaa dhowaan ku baaqay in ciidamada qaranka Somaliland ee ku sugan fadhiisimmada gobolka Sool dib loo soo raro, maadaama kuwii joogay aagga Buuhoodle la soo raray.
Laakiin Boqor Mustafe ayaa aragtida Xildhibaan Indho-indho duray, waxaanu ku dooday in fekerkaasi aanu waafaqsanayn xilka golaha Guurtida ee mudanahani qaranka u hayo iyo guud ahaan mabaad’iida qarannimadaba. “Haddii uu sidaas u fekerayo Xidhibaanku, taasi waxay ka hor imanaysaa xilka uu qaranka u hayo. Ciidamada Qaranku waxay jiidda Buuhoodle u joogeen sugidda nabadgelyada deegaanka, maadaama colaaddii laga heshiiyay oo nabaddii dhalatayna, ujeeddadii ay u joogeen way fushay” ayuu yidhi Boqor Mustafe.
Ugu dambayntii Boqorku wuxu ammaanay habdhaqanka Xafiiska Madaxtooyada ee Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, isaga oo barbar-dhigay wakhtigii xilhaynta Madaxweynihii hore ee Somaliland, Daahir Rayaale Kaahin.
“Qofkii Madaxtooyada ogaa wakhtigii Rayaale ayuun baa qiimeyn kara waxa iska beddelay. Berigii hore, shebeg yar oo kooban ayuu dadka kala hadli jiray Axmed Yare (Xoghayihii Rayaale), laakiin maanta, arrintaas wax weyn baa iska beddelay oo waxa laguu soo dhoweynayaa si qiime leh, iyada oo kuraasi qurxoon iyo xafiis faallal ah lagugu qaabbilayo.” ayuu yidhi Boqor Mustafe, isaga oo xusay in dadka habdhaqanka Madaxtooyada Siilaanyo dhaliilaa ay u badan yihiin kuwo aan xog haynnin iyo afmiinshaarro doonaya wax ay musuqmaasuqaan.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net