Booliska Jabuuti Oo Aqoon-korodhsi Ka Dalbaday Dhiggooda Somaliland

Hargeysa (SLPOST) – Taliyaha Ciidammada Booliska ee Jamhuuriyadda Jabuuti General Cabdiraxmaan Cali Kaahin, ayaa bogaadiyey Ciidammada Booliska Somaliland oo Maanta u dabbaal-degay 29 Guurada aasaaskooda.

Taliyaha Booliska Jabuuti oo ka mid ahaa Marti-sharafta lagu casuumay Xuska 29 Guurada Ciidammada Booliska Somaliland, ayaa sheegay inay wax lagu farxo tahay habka ay u dhisan yihiin Ciidammada Booliska Somaliland, sidaa darteed uu Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ka codsanayo inay u faa’ideeyaan Ciidammada Booliska dalkiisa Jabuuti.

Taliye Cabdiraxmaan Cali Kaahin, waxa kale oo uu khudbaddiisa ku sheegay in Mudane Muuse Biixi Cabdi aanu Somaliland oo keliya Madaxweyne u ahayn, balse uu isaga oo reer Jabuuti ahna uu Madaxweyne u yahay.

Taliyaha Booliska Jabuuti oo arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Waxaan Taliyaha Booliska waydiisanayaa waxaa wanaagsan ee aad Maanta na tustay inaad Anigana iga caawiso oo aan kaa faa’idaysto.”

Taliyuhu waxa kale oo uu sheegay “Jabuuti iyo Somaliland waa dal qudha, waa Dad qudha, inaynu amaanka ka wada shaqayno waynu ku qasbanahay oo labadeenaba dantaa ku xidhan. Inaga oo aan Cid kaleba u danayneyn danteenaa ku xidhan inaad qabataan wixii xaggan ka socda ee xagaa (Jabuuti) ku soo duulaya, Annagu aanu qabano wixii xaggaa (Jabuuti) ka socda ee xaggan (Somaliland) ku soo duulaya..” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxaan leeyahay Somaliland oo keliya Madaxweyne uma tihid ee Annagana Madaxweyne ayaad noo tahay..”

 

Somalilandpost.net/Hargeisa Office