Washington, (SLpost)- Aasaasaha shirkada Microsoft Bill Gates ayaa sheegay inuu qorsheeyay inuu Afrika iyo Aasiya ka dhiso goobo caafimaad, si loo yareeyo dhimashada carruurta, loogana hortago cudurada saf-marka ah sida EBOLA.
Bill Gates oo u warramay BBCNEWS inuu lix meelood xog ururin ka samayn doono, si haddii cudur cusub oo saf-mar ahi uu dilaaco loo sameeyo talaalka saxda ah.
Ururka Gates ayaa qorsheynaya inuu goobahaas geliyo lacag dhan 75 milyan oo doolar oo wejiga koowaad ah, si ay loo yareeyo, loolana socda cudurada.
Somalilandpost.net