Barcelona oo ka hartay horyaalka Yurub

EU(SLpost)Kooxda Barcelona ayaa guuldarro xanuun badan kala kulantay horyaalka Yurub, ka dib markii ay 2-0 ku reebtay kooxda ay Spain kawada dhisan yihiin ee Atletico Madrid.

ciyaar

Weeraryahanka kooxdaasi, Antoine Griezmann, ayaa labada goolba ka dhaliyay Bacelona.

Lugtii hore ee kulanka ayaa Barca waxa ay 2-1 kaga soo adkaatay Atletico, waxaana hadda sidaa ku haray Barcelona oo sanadkii hore qaaday koobka loo tartamayo.

Dhanka kale, kooxda Bayern Munich ayaa barbaro 2-2 ah la gashay Benfica, balse waxa ay haysatay guushii lugtii hore oo ay 1-0 kusoo badisay.

Tababaraha Bayern, Pep Guardiola, ayaa xilli ciyaareedka soo socda ku wareegaya kooxda Manchester City, waxaana suuragal ah in labada koox ay isaga hor yimaadaan nus dhammaadka ama finaalka horyaalka Yurub.

Arrinta la yaabka leh ayaa ah in afarta koox ee isu soo hartay ay dhammaantood kusoo baxeen celcelis goolal oo 3-2 ah.