Bandhigga 10aad ee Carwada Buugaagta Hargeysa oo la soo gebo-gabeeyey iyo Waxyaabihii ku Cusbaa sannadkan

Hargeysa (SLpost)- Bandhigii caalamiga ahaa ee Buugagta oo ka socdcay xarunta dhaqanka ee caasimadda Somaliland ee Hargeysa, ayaa lagu soo gabagabeeyay habeenimadii Jimcaha ee todobaadkan isla xaruntaasi dhaqanka ee Hargeysa.

Bandhiga buugaagta Hargeysa ee sannadkan oo ahaa bandhigii 11aad oo xidhiidh ah ee lagu qabto magaalada Hargeysa, halku-dhigiisuna ahaa Xikmada, isla markaana sannad kasta lagu soo marti qaado dal ka mid ah dalalka caalamka, ayaa sannadkan waxaa marti ku ahaa bandhigga waddanka Ruwaanda.

Bandhiga-buugaagta-1-310x207Furitaankii bandhigan caalamiga oo ay ka soo qeybgaleen martisharaf ka kala socday 27 dal oo caalamka ah, ayaa muddadii lixda maalmood ahayd ee uu socday, waxaa si weyn looga qeybgalay barnaamijyadii kala duwanaa oo lagu soo bandhigay goobtaasi.

Carwadda buugaagta Hargeysa ayaa noqotay munaasibad kulmisay in badan oo ka mid ah aqoonyahanada, iyo qoreyaasha caalamka. Iyada oo illaa bilowgiina uu bandhigani ahaa mid sannadle ah oo kulmiya aqoonyahanmo, gabayaa, wawir-qaadeyaal iyo filim-sameeyayaal daafaha caalamka ka yimaada.

Agaasimahii xarunta dhaqanka Hargeysa Ismaaciil Ubaxle, oo gebagebadii bandhiga 11aad ee buugaagta Hargeysa hadal kooban ka jeediyey, ayaa u mahad celiyey dhallinyaro kaalin muuqata ka qaatay muddadii uu socday bandhigani.

Ismaaciil Ubaxle isaga oo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxaan doonayaa inaan u mahadnaqo dhallinyaradii tirada badnaa ee Is-dirayaasha ahaa, oo arroornimada illaa sagaalka habeennimo, maalin walba u heeganka ahaa sidii uu bandhigu qiimo ugu yeelan lahaa bulshada ka soo qeybgashay ee magaalada, gobolada dalka iyo caalamkaba ka socday. la’aantoodna bandhigu sidaa habsamida leh inoogu suurtoobeen. Mahada Alle ka dib.”

Munaasibaddii xidhitaankii bandhiga buugaagta caalamiga ah ee Hargeysa oo martisharaf tiro badan iyo boqolaal shacabka Somaliland ahi ay goobjoog ahaayeen, ayaa ku soo xidhmay, kuwana soo dhamaatay jawi heer sare ah.