Badhasaabka Maroodijeex oo ka qayb-galay Shirweyne Xisbiga Kulmiye ugu qabsoomay magaalada Bristol ee UK

Bristol, (SLpost)- Guddoomiyaha Gobolka Maroodijeex Axmed Cumar X. Cabdilaahi oo booqasho ku jooga dalka Ingiriiska ayaa ka qayb-galay shirweyne todobaadkan magaalada Bristol ugu qabsoomay Guddiga Fulinta iyo taageerayaasha Xisbiga Kulmiye ee dalka UK.

Shirkan oo ay ka soo qayb-galeen madax kale oo ka tirsan xukuumadda Somaliland oo ay ka mid ahaayeen; Lataliyaha Madaxweynaha ee arrimaha Dhaqaalaha, Ganacsiga iyo Maalgashiga Mudane Axmed Xasan Carwo, Lataliyaha madaxweyne kuxigeenka JSL Cismaan Saciid Jaamac, iyo  Agaasimaha guud ee wasaaradda dibudejinta Axmed Cilmi  Barre, waxa laysku dhaafsanayey warbixinnada iyo is-waraysi laamaha iyo guddiga Fulinta ee Xisbiga oo aan meel isugu iman tan iyo intii ka danbaysay guushii uu Xisbigu ka soo hooyay doorashadii madaxweynaha ee dalka.

Ugu horreyn waxa shirka aayado quraan ah iyo wacyi diiniya ku furay Axmed Faarax Cadarre (Gees) oo kana mid aha gudida fulinta ee kulmiye UK, intaa ka dibna waxaa shirka qudbad soo dhaweyn iyo mahadnaq isagu jirta ka jeediyey gudoomiyaha iyo gudoomiye ku xigeenka laanta Bristol Xuseen Axmed Caydiid iyo Max’d Xaashi Bacado. Xasan Cali Weyd oo ahaa gudoomiyaha qabanqaabada shirkan, ayaa isaguna halkaa ka soo jeediyey qudbad dheer oo uu kaga warramayo sababihii dheliyey shirkan iyo ujeedada laga leeyahay. Xasan Cali Weyd wuxuu sheegay, in tan iyo mudadii uu xisbigu guusha laxaadka leh ka soo hooyey doorashadii uu ku guulaystay madaxwyne Axmed Maxamed Maxamuud ( Siilaano ) aanu xisbigu isagu iman shirarkiisii joogtada haa iyo hawl maalmeedkii xisbiga, sidaa la ajligeedna ay shirkan u qabteen, sidii loo dar-dar gelin lahaa hawlaha xisbiga ee UK.

Dadka ka soo qayb-galay shirweynaha Xisbiga

Kolkii ay soo dhammaatay warbixinadii Laamaha Kulmiye, garabka haweenka iyo dhalinyaraddu ayaa loo galay xog warankii madaxda dalka ka timid. Waxaa hormood u ahaa oo hadalka qaatay La-taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha Dhaqaalaha, Ganacsiga iyo Maalgashiga, Mudane Axmed Xasan Carwo. Axmed hadal dheer oo mahadnaq, warbixin qaabka dhismaha xukuumadda iyo kaalinta libaax ee ay kaga jiraan reer Kulmiye iyo dowrka looga baahan yahay isku xidhka xisbiga iyo xukuumadda oon kala maarmin ,..”Xukuumadda waxa dhalay xisbiga waxayna ku shaqaysaa barnaamajka xisbiga..sidaas darteed waxa loo baahan yahay in leys barbar taago oo weliba lagu toosiyo barnaamajka xisbiga…waa inaan la noqon sidii UDUB ayna wax talo iyo toosin ah ku lahayn xukuumadda ee waa inay jirtaa wada shaqayn iyo xisaabtan leysku qiimeeyo barnaamajkii leynagu doortay oo berri ka maalin ummaddu inagula xisaabtami…guusha xukuumaddu waa guusha xisbiga…masiirka iyo mustaqbalka xisbigu waxuu si toos ah ugu xidhan yahay waxqabadka xukuumadda…” ayuu Axmed Carwo yidhi

Axmed Xasan Carwo oo Shirweynaha ka hadlaya

Waxa iyana mid mid uga hadalay madaxdii kale oo dhammaan ku nuuxnuuxsaday dowrka xisbiga iyo waxqabadka xukuumadda. Waxaana mahadnaq ballaadhan loo soo jeediyey Guddiga Bristol ee shirka soo qabatay, iyo waxqabadkii Guddiga Fulinta UK, iyadoo si gaar ah loogu mahadnaqay Guddoomiyaha Guddiga Ibraahim Dakhare.

Qudbadahaa madaxda ka dib waxaa la guda galay ajandihii shirka, kaasoo qodobka ugu weyni uu ahaa sidii loo qaban lahaa shirweynihii xisbiga Kulmiye, kaasoo labadii sannaba mar lagu soo doorto gudida fulinta ee Kulmiye UK.
Dood dheer iyo falanqayn ka dib waxaa laysku raacay in madashan laga xulo, xubno soo magacaaba gudida qaban-qaabada shirweynaha Kulmiye Uk, waxaana halkaa lagu soo xulay 21 xubnood oo noqon doona gudida qaban qaabada shirweynaha xisbiga Kulmiye ee Uk, shirkaasoo ku qabsoomi doona haddii Eebe raali ka noqdo mudo sodon dharaarood ah oo ka bilaabmaya marka ugu horaysa ee gudidaasi isu timaado. Waxaana xilka isku keenidda iyo isku xidhka guddiga qabanqaabada loo xilsaaray Guddoomiyaha Guddiga Fulinta iyo ku xigeenkiisa. Waxaana la gartay in Guddiga Fulintu hawshooda sii hayaan tan iyo inta laga dooran doono Guddi kale oo xilka kala wareegta Shirweynha soo socda kolkuu qabsoomo. Waxaana goáanka golaha ka dhexakhriyey, shirkana soo xidhay Guddomiyaha Guddiga Fulinta UK Kulmiye Mud. Ibraahim Nuux (Dakhare).

Somalilandpost.net

webmaster@somalilandpost.net