AWOODDA CILMIGA

Taariikhda Aadamaha Cilmigu wuxuu ku suntanaa, halka farraqa u dhaxeeya kala duwanaanshaha bulshooyinku kasoo unkamo. Bulshada meel fiican ka gaadha barashada cilmiga waxay ka horumarsanaayeen dhiggooda nolosha ay ku hirdamayaan ama ku tartamayaan. Awooda cilmiga waxaynu in badan ku aragnay isagoo Allah SWT kaga waramaya Quraanka, waxaynu ognahay in Allah Sheegay in ayna sinayn kuwa waxbartay iyo kuwo aan waxba baran. Tusaalayaasha muujinaya awooda cilmiga waxaynu ka xusi karnaa farsamayaqaanadii cilmiga u saaxiibka ahaa ee Nabi Sulaymaan (CS) iyo sidii uu nashqadaysnaa gurigii gabadhii boqorada ahayd ay maradeedii kor uga faydatay iyadoo ka baqaysa in biyaha xaga hoose marayaa ay soo gaadhaan, balse biyuhu maa ay
soo gaadhayn, waayo, guriga sagxadiisu waxay ahayd mid quraarada, biyuhuna hoosteeda marayaan. Subxaanallaah! Bal eeg hadda awooda cilmiga (Ayah 44, Surat  Alnamli).

Awooda cilmigu waa ta suurto galisay, in nabi Muxamed (CSW) iyo asxaabtiisi ay ku badbaadaan qaswatul Axsaab, markii laga faaidaystay cilmigii uu u lahaa xaga difaaca asxaabigii Salmaan al Faaris. Awooda Cilmigu waxa weeye tii u suurto galisay ciidamadii islaamka markii ay khaybar iyo dagaaladii kaleba ay dhaafi kari waayeen qalcadihii gaaladu samaysatay in kooxo Ciidanka iyo Umadda islaamka ka mid ah oo aqoon u lahaa farsamaynta qalabka dagaalka ay sameeyeen wax u dhigma qalabka aynu maanta u naqaano Madaafiicda kaas oo rasaastiisu ahayd dhagaxaan waawayn kadibna lagu gani jiray si gidaarada qalcadaha ay u burburiyaan.

Awooda Cilmigu waa ta u suuro galisay dunida aynu maanta u naqaano in ay horumartay talaabooyinkaa horumarineed ee ay ku talaabsadeen, awooda cilmigu waa ta keentay kala fogaanshaha u dhaxeeya Iran iyo Saudi Arabia. Awooda cilmigu waa ta keentay in maanta dawlada Maraykan ay noqoto tan ugu awooda badan dawladaha aduunka. Aduunka aynu u naqaan in uu horumaray, waxa uu maalgaliyay barashada cilmiga noocyadiisa kala duwan, waxaanu soo saaray, dhamaan qalabka aynu isticmaalno.

Haddaba, si awooda cilmiga looga faaidaysto, waxa muhiim ah in dedaal iyo wakhti dheeraada lagu bixiyo in la  kobciyo aqoonta iyo waxbarashada. Waddamada marka laga hadlayo horumar inta badan loo soo qaato tusaale waxaa ka mida wadanka Singapore, wadanka Singapore waa mid kamida wadama maalgaliyay, dedaal iyo karti dheeraadana ku bixiyay sidii dadkiisu aqoon midho-dhala u baran lahaayeen, waa ku guulaysteen, midhihina waxa uu noqday in wadankoodu noqdo mid kamida kuwa ugu horumarsan aduunka dhinacyo badan.

Jamhuuriyada Somaliland ee maanta aan muwaadinkeeda ahay, caqabadaha ugu waawayn ee ii muuqda, dhamaanteena aan inaga qarsoonayn ee wadanka ragaadiyay, mustaqbalkiisana hoos u dhigaya waxa kamida- dhiiggii iyo ubixii usoo baxayay oo aan tacab badan lagalin, waxbarashadoodii oo aan xil wayn la iska saarin, iyo goobihii loogu talo galay in ay aqoon ku qalabeeyaan dhalinyarta oo noqday sidii meherado iibinaya alaab dhacday, haa sidaas bay noqdeen, waayo maanta Ardayga reer Somaliland aqoonta uu helaa kasoo bilow Grade 1 ilaa Heer jaamacadeed maaha mid anfici karta mustaqbalka wadanka, sababtuna waxa weeye tayadii guud ee waxbarashada oo hoos u dhacday. Guul darooyinkaasi waa mid aynu qayb ka wada nahay, xalkeedana la inooga wada fadhiyo si wada jira in cod dheer aynu uuga hadalno oo u falanqayno, cidii markaasi xilku saaran yahayna ay uga hawlgasho, waa mid kamida waxyaabaha aynu u baahanay in aynu ku doorano Siyaasiyiinta beenta iyo qabyaalada ku ololeynaya, waa in aynu ku Challenge garayno maxaad ka bedelaysaa systemka qariban ee wadanka, maxaan kaa qornaa, oo taas badalkeeda iskaga guurnaa reerkayaga imisa wasiir baad siinaysaa. Dalku dad hormood-san u noqda ayuu u baahan yahay.

Ugu danbayntii si aynu uga faaidaysano awooda cilmiga, qofkasta oo aqoon iyo cilmi gaar ah leh, waa in uu hawl galiyo cilmigiisa uguna adeego dadka iyo dalkaba.

 

Wa bilaahi Tawfiiq

 

Abdifatah Sultan Adem

M.Sc, Development Economics

Hargeysa, Somaliland

Email: Khaliil05@gmail.com