Askari ka tirsan Ciidanka Qaranka oo Toogasho ku dilay Laba Sarkaal

Qorulugud (SLpost)- Askari ka tirsan Ciidanka Qaranka magaciisa lagu sheegay Cabdirisaaq Askar, ayaa maanta toogasho ku dilay laba sarkaal oo ka tirsan Guutada 17aad ee Ciidanka Qaranka oo saldhiggoodu yahay deegaanka Qorilugud ee gobolka Buuhoodle.

Askarigan oo markii uu dilka geystay baxsaday, ayaa la sheegay inuu tacshiirad ku furay labada sarkaal oo wakhtigaas ku sugnaa Xerada Guutada 17aad ee ciidanka Qaranka oo ku taala duleedka degmada Qorilugud, halkaasna ay markiiba naftu kaga baxday labada Sarkaal oo madax ka ahaa Guutada 17aad ee Ciidanka Qaranka.

CIIDANKA QARANKALama oga sababta ka dambaysa dilka Askarigani kula kacay Saraakiisha Ciidanka, mana jirto war rasmi ah oo ka soo baxay Taliska Ciidanka Qaranka, haseyeeshe labada Marxuum ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Maxamed Yuusuf iyo Jaamac Bidaar oo labadooduba ahaa saraakiil derejadoodu tahay Kabtan, isla markaana ka tirsanaa Guutada 17aad ee Ciidanka Qaranka oo fadhiisinkoodu yahay duleedka Qorulugud.

Ninka dilka geystay oo aan ilaa immika gacanta lagu dhigin, waxa baadi-doonkiisa ku raad-jooga ciidamada Milatariga ee Saldhigga uu ka tirsanaa iyo Ciidamo Boolis ah oo ka hawl-gala magaalada Qorurulugud.

SOMALILANDPOST.NET