Ardaydii Somaliland oo ka badbaadday Masiibadii Qaraxa iyo Waraysi mid ka mid ah

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Waxbarashad iyo Tacliinta sare ee Somaliland, Marwo Samsam Cabdi Aadan, ayaa shaaca ka qaaday in ardayda Somaliland ee ku sugan Magaalada Muqdisho aanay wax dhibaato ahi ka soo gaadhin qaraxii shalay ka dhacay caasimada Soomaaliya.

Qaraxa Muqdisho (13)Wasiirka oo u waramaysay Idaacada Raadiyow Hargeysa ayaa sheegtay inay khadka telefoonka kula xidhiidhay goobaha ay kala degan yihiin ardayda ka tagtay dhinaca Somaliland, halkaana u jooga inay u duulaan dhinaca Turkiga oo ay ka heleen deeq-waxbarasho. “Gabdhihiina waxaan kala hadlay inan, inamadiina mid baan kala hadlay…..labadooda qolaba waxay ii sheegeen inay nabad-qabaan. Ardaydu 35 ayay ahaayeen 17 way baxeen, 17-na way hadheen. Inanta iyo wiilka aan la hadlay labaduba waxay yidhaahdeen waanu nabad qabnaa, dabadeedna waxaan u sheegay in aanay meelahooda ka bixin. Ta kale iyaga wax kaga xidhnaaba (meesha qaraxu ka dhacay) may jirin ee waxay sugayeen uun tigidhadoodii oo diyaarada uyuun bay raacayaan.” Sidaa waxa tidhi Wasiirka Waxbarashada iyo Taclliinta sare Marwo Samsam Cabdi Aadan.

Qaraxa Muqdisho (10)

Dhanka kale, mid ka mid ah ardaydaas ayaa xaqiijiyay inaanay wax dhibaato ahi ka soo gaadhin qaraxii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasoo la sheegay in arday badan oo kale oo reer Somalia ahi ku geeriyoodeen. “Horta dhammaan ardayda Somaliland ee halkan joogtaa waanu wada nabad-qabnaa, meesha qaraxu ka dhacayna hada ma garan karo intay noo jirto…tirada aanu hada halkan ku joognaa waa 17 qof, mana jiraan cid naga mid ah oo ay halkaa dhibaato ka soo gaadhay.” Sidaana waxa yidhi arday ka mid ah ardayda reer Somaliland ee haatan Muqdisho ku sugan oo u waramayay Idaacadda Raadiyo Hargeysa shalay.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net