Aniga iyo kulankii hobollada Waaberi

Sannadku waa 1979. Aniga iyo qorraxda dhakadayda dhalaalinaysa waxa wehelisa laydh si fudud kuu daaraysa, balse aan ku qaboojinayn. Cirka daruurihii way ka yaaceen, dhulkana wax dad ah aniga ayaa socda. Marka laga tago koox dhallinyar ah oo fadhida jaranjar ku taalla dhismaha weyn ee tiyaatarka qaranka Soomaaliya. Dhankooda ayaan u socdaa. Warkii Radio Muqdisho iyo codkii Cawke ayaa dhegahayga ka sii guuxaya. Waa maalin Isniin ah, bisha Luulyo ayaa ah 16. Yoonis Cali Nuur ayaa makarafoonka ku soo dhaweeyey Cawke, si uu warka u akhriyo. Qodobkii maalintaas ugu muhiimsanaa ayay maskaxdu ku soo celcelinaysay. Madaxweynihii Ciraaq ee Xasan Al Bakri ayaa is casilay, waxaana xilka la wareegay, ku-xigeenkiisii Saddaam Xuseen. Dhallinyartii kaabadda fadhiday ayaan ku soo dhowaaday. Wejiyadooda farxad ayaa ka muuqata, kaftan ayaa debnahooda ka qoyan. Kaabadda u sarraysa, dhanka midig, waxa fadhiya Jubba oo hees xafidaya. Markaas ayuun buu fanka soo galay, dadkuna way la dhaceen. Heesta uu ku luuqaynayo maan garan, waayo afka oo xidhan ayuu guuxayaa. Dhanka bidix waxa ka fadhida Magool oo dhoollacaddaynteedii qurxoonayd wejiga dhan ku sawiratay. Waxa ku sii xigta Khadra Daahir. Safka hoose waxa fadhiya Hibo Nuura, Saado Cali, Cabdi Tahliil iyo Xasan Aadan. Anigu waxa aan u socdaa Cabdi Tahliil, isaga ayaan muraad u leeyahay. Waxa uu xidhan yahay surwaal madow, koodh suudh oo kaaki ah, shaadh cad oo ka hooseeya iyo kabo madow. Timaha ayaa afroo ah. Da’diisu ma yara, mana weyna. Wax yar marka aan u soo jiro, ayuu qof kastaaba joojiyey wixii uu wadey. Kor ayay ii soo eegeen. Qiyaastii way yaabbanaayeen. Quruxdooda oo indhahaygu aanay hayn karin, ayaan salaan yar u qadhiidhay. Si deggan ayay iiga qaadeen. Cabdi Tahliil ayaan dhankiisa u jeedsaday. “Walaal waxaan kuugu imid in aan warbixin yar ku siiyo.” Wuu i dhowray. Waan sii watey. “Mustaqbalka ayaan warbixin kaaga sidaa, walow aanay fiicnayn.” Waxaan dareemay sida ay jabaqda u joojiyeen dhammaan. Khadra Daahir ayaa igu soo tuurtay: “Huunno yaa ku soo diray, xaggeed ka timid?” Inta aan kor eegay ayaan u jawaabay. “Waxaan ka imid sannadka 2016-ka.” Saddex ilbidhiqsi ayay ku qaadatay in jawaabtayda la dejiyo, deedna qosol ayaa la isku daray. Waan aamusay. Sugay intay dhammaysanayaan qosolka. Magool oo qoslaysa ayaa tidhi: “Muxuu yidhi? 2016-ka ma innagaa gaadhaynaba, qiyaamahaa dhacayee.” Hoos ayaan u idhi: “Waa runtaa, adiga iyo Saadaba ma gaadhaysaan.” Cabdi Tahliil ayaa soo jeedsaday. “Waar bal ii wad, maxaad haysaa markaa?” Waxaan ku idhi: “Waad gaboobi doontaa, oo aad xanuunsan doontaa.” Isaga oo aan fahmin ayuu igu yidhi: “Xanuunka Ilaahay baa keena, waa la i dawayn doonaa.” Waxaan ku idhi: “Maya, cid ku daweysa heli maysid.” Wuxuu yidhi: “Oo waayo, dhakhtar waan haysannaa, maxaa jira?” Wax yar ayaan hakaday. Wax aan idhaa ayaan garan waayey, markii aan gartayna, si aan u idhaa ayaan garan waayey. Waan soo tuuray. “Dakhtarku sidan ma ahaanayo, dalku wuu burburayaa, dagaal ayaa dhacaya, dowladdani way dhacaysaa, idinkuna waad kala yaacaysaan.” Hibo ayaa la soo boodday: “Qumay, isku bax.” Jubba ayaa markii u horreysay ila hadlay. “Kan in la xidhuu rabaa, waxaas yaan lagaa maqlin.” Saado oo fajacsan, dhanna u eeg in ay rumaysatay hadalkayga, ayaa i weydiisay sababta la isu dagaali doono. Intii aanan u jawaabin ayuu Cabdi Tahliil i weydiiyey. “Oo niyow maxaa meel dhakhtar leh la ii geyn waayey?” Indhaha ayaan kaga dhuftay hadal aanu sugayn. “Dadku ku danayn maayaan.” “Ma dadkan i jecel maanta ayaan i caawinayn hadhow?” “Haa, cid kuu nixi doontaa ma jirto” ayaan si qabow ugu idhi. Xasan Aadan ayaa arkay murugada wejiga Cabdi ku taalla. Si uu saaxiibkii u dejiyo ayuu aniga ii canaantay. “Aboowe fiiri, waad mahadsan tahay kow dheh, intaas noogu jooji. Iska bax.” Waa runtii, wax aanay sawiran karin ayaan u sheegay. Waan dhaqaaqay, hal tallaabo kaddib ayaan istaagay. Xasan ayaan soo eegay. Waxaan ku idhi: “Hadda waan kaa tegayaa, laakiin aniga iyo adigu teleefan ayaan ku wada hadli doonnaa maalin aan maanta ahayn. Waa sannadka 2012-ka. Adiga oo Holland jooga, iyo aniga oo Sweden jooga.” Inta uu hal mar libiqsaday ayuu yidhi: “Sii soco.” Magool oo aamusnayd daqiiqadihii u dambeeyey ayaa su’aal igu soo tuurtay. “Aniguna? Miyaan xanuunsanayaa sannadkaas?” Su’aasheeda ayaan ka naxay. “May, adigu ma xanuunsan doontid sannadkaas” ayaan ugu soo koobay. Iyada oo aan fahmin ujeeddada hadalkayga, ayaan ka dhaqaaqay oo aan ku libdhay Xamar oo mug weyn.

W/Q: Ismaaciil C Ubax

Info@ismaaciilubax.com