Al-Amriiki oo Hanjabaad u diray Maraykanka iyo Xulafadiisa Reer Galbeedka

Muqdisho (SLpost)- Cumar Hamami oo sidoo kale loogu yeedho Abu Mansuur Al-Amriiki oo ka tirsan dagaalyahannada ajaanibka ah ee ka garab-dagaalamada kooxda Al-Shabaab, ayaa ku hanjabay inuu sii wadayo dagaalka uu Maraykanka kula jiro.

Al-Amriiki oo dhawaan dawladda Maraykanku dul dhigtay lacag gaadhaysa shan milyan oo dollar, ayaa shaaciyey inuu beegsan doono danaha Maraykanka iyo reer Galbeedku ku leeyahay adduunka, “Ma joojinayo dagaalka aan kula jiro Marayknaka iyo dalalka kale ee reer galbeedka ah, waxaanan beegsan doonnaa danahooda meel walba oo aan kula kulmo,” ayuu yidhi Al-Amriiki oo u warramay Global Post.

AL-AMRIIKIAl-Amriiki oo dhawaan Al-shabaab ay sheegtay inay ka joojisay howlo gaar ah oo uu qaban jiray kana qaadday mas’uuliyado dhowr ah, ayaa ha’yadda FBI-da Mareykanku ku dartay liiska shakhsiyaadka uu dalkaasi baadi-doonka ugu jiro gacan-ku-dhigistooda, waxaanay dul-dhigtay lacag badan oo abaalmarin u ah Xogta meesha uu ku sugan yahay.

Cumar Hamami oo 28-jir ah ayay iska dhaleen Aabo Suuriyaan ah iyo Hooyo Maraykan ah, waxaanu ku noolaan jiray gobolka Alabama ee Maraykanka ka hor intii aanu sannadkii 2006 u soo goosan dhinaca dalkaasi Soomaaliya oo wakhtigaas ay ka aasaasmeen Midowgii Maxkamadaha Islaamiga ah oo Al-shabaab ka mid ahayd.

SOMALILANDPOST.NET