Ahmadinejad: ‘Jiritaanka Israa’iil waxa uu Meel ka-Dhac ku yahay Bani’aadamnimada’

Tehran (SLpost)- Madaxweynaha Dalka Iran Mohamoud Ahmadinejad ayaa weerarkii ugu khatarsanaa ee dhanka siyaasadda ku qaaday dawladda Yuhuudda isaga oo sheegay in jiritaanka Israel meel ka-dhac ku yahay bani’aadamnimada.

Madaxweyne Ahmadinejad waxa uu sheegay jiritaanka Israel oo laga soo horjeedsadaa tahay dedaal lagu ilaalinayo sharafta bani’aadamka dunida guudkeeda ku  nool.

Ahmadinajad waxa uu sidan ku sheegay mar uu maanta khudbad u jeedinayay ardayda jaamacadda magaalada Tehran iyadoo hadalkiisanina ku soo beegmay wakhti ay dawladda Israel ku doodayso inay weerar ku qaaddo Iran.

“Jiritaanka dawladda Zahnuuniyaddu waxa uu meel ka-dhac ku tahay Bani’aadamnimada,” ayuu yidhi Ahmadinejad oo khudbad ka jeedinaya Jaamacadda Tehran University ka dib markii uu dhammaaday isu-soo bax sannadle ah oo shacabka dalkaasi ku taageeraan qaddiyadda Falastiin kaas oo la qabto sannad kasta Jimcaha u dambeeya ee Bisha Ramadan.

“In laga soo horjeedsado jiritaanka nidaamka Zionist ee la dhoob-dhoobay, waxa ay xaqiiqdii gaashaan u tahay xuquuqda iyo sharafta bani’aadamka oo dhan,” ayuu yidhi Ahmadinejad oo qoorta ku duuban cumaamadda midabbadeedu madowga iyo Caddaanka isugu jiraan ee ay caanka ku yihiin Shacabka reer Falastiin.

Israel ayaa aaminsan in Iran khatar ku tahay gobolka Bariga Dhexe iyaga oo sabab uga dhigay marnaamijyadeeda Nukliyeerka iyo Gantaalada riddada fog, inay taagerto Kooxaha xag-jirka ah ee ka soo horjeeda Israa’iil iyo iyaga tixraacaya hadallo sidan oo kale ah oo madaxweynaha dalka Iran iyo Hoggaamiyaha Sare ee dalkaas Ayatollah Ali Khamenei dhowr jeer kaga dhawaajiyeen iyaga oo muujinaya nacaybka Dunida Muslimku u qabto Israa’iil.

Haseyeeshee, Dawladda Iran ayaa beeninaysay eedaymo loogu jeediyey inay samaysanayso Hubka wax gumaado ee Nukliyeerka iyaga oo ku doodaya in Barnaamijkooda Nukliyeerku ku salaysan yahay dhinaca Korontada iyo Mishiinnada lagu daaweeyo Bukaanka cudurka Kansarka. Sidoo kale, Dawladda Iran waxa ay dhowr jeer ka digtay in haddii la soo weerary ay ka aar-goosan doonto Israa’iil iyo Meelaha Maraykanka Danahiisu kaga xidhan yihiin ee Bariga Dhexe.

Xiisadda Siyaasadeed ee u dhexeysa Iran iyo Israel ayaa sii xoogaysanayey tan iyo sannadkii 2005 wakhtigaas oo madaxweyne Ahmadinejad sheegay in Isreal maalin uun kala tirtiri doono khariiradda Adduunka. Madaxweynaha Iran waxa uu xilligaas soo qaaday Xasuuqii Holocaust ee Naasiigii Jarmalku u geystay 6 milyan ee Yuhuud ah intii lagu jiray dagaalkii 2aad ee dunida isaga dhacdadaas ku tilmaamay Sheeko aanay waxba ka jirin oo Israel dano gaar ah ka leedahay.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net