Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta oo Noqday Agaasimihii Ugu Waxqabadka Badnaa

[A]gaasimaha Guud ee Wasaaradda Warafaafinta Somaliland Md. Faysal Cali Sheekh Maxamed, ayaa noqday agaasimihii ugu waxqabadka badnaa ee soo mara Wasaaradda Warfaafinta Somaliland, isagoo muddadii uu joogay is-beddel hor leh ka sameeyay, islamarkaana ku soo kordhayay mashaariic la xidhiidha horumarinta Wasaaradda, waxaanu oo u hawl galay sidii Television-ka Qaranku looga daawan lahaa  la dhammaan dunida daafaheeda, si ay u hirgalaan fulinta hawlaha qaran waxa uu booqasho ugu kicitimay dalka Ingriiska si uga soo furo xafiisyo iyo Studio-yaal uu yeelanayo Television-ka Qaranku, iyada oo ay ahayd markii ugu horreysay ee Televisonka Qaranku gaadho daafaha dunida, sidoo kale waxa uu agaasimuhu ku guulaystay in uu keeno Idaacad weynayd ee qaranka oo laga dhagaysan doono dhammaan gobolada Somaliland iyo waddamadda Afrika iyo Carabta oo door wayn ka qaadan karta hannaanka dawladnimo, iyadoo baahi weyn u qabeen guud ahaan shacbiweynaha Somaliland oo sanadihii u dambeeyay loo ballan qaadayay keenista idaacad cusub oo uu dalka laga wada dhagaysto.

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Warfaafintu waxa kale oo uu ku guulaystay mudadii uu xilka hayay in uu shaqaalaha Wasaarada Warfaafinta uu u furay Tababaro ay heerkooda aqooneed kor ugu qaadayaan, iyada  shaqaalaha wasaaraduna  si fiican uga faa’iidaysteen tababarka loo qabtay, waxa kale oo uu agaasimuhu uu qabtay mudadii koobnayd ee uu xilka wasaaradaasi hayay in uu hawlaha wasaarada si fiican iskugu dubarido islamarkaana shaqaalaha wasaarada uu u fududeeeyay sidii ay shaqadooda u gudan lahaayeen.

Dhanka kale waxa dhawaan research sameeyay urur madaxbannaan oo qiimaynayay wax qabadka agaasimayaasha dawladda, iyada oo baadhitaankii ay sameeyeen ururkaasi ku ogaaday in uu Agaasimaha Wasaaradda warfaafintu noqday agaasimaha ugu kartida iyo waxqabadka badan agaasimayaasha wasaaradaha dawladda Somaliland, iyaga oo ururkaasi shahaado sharaf guddoonsiiyay Agaasimaha Guud ee Wasaarada Warfaafinta Mudane Faysal Cali sheekh.

Waxa kale oo uu dhawaan ka dhawaajiyay agaasimuhu inay waxbarasho heer Degree ah u bilaabayaan shaqaalaha Wasaarada Warfaafinta, taasi oo noqonaysa wax aanay weli qaban agaasimayaasha dhigiisa ah, arrintaasi oo dhammaan shaqaalaha wasaaradu si weyn u soo dhaweeyeen hadalka Agaasimaha Guud ee Wasaarada Warfaafinta Somaliland.

Guntii iyo gabagabadii waxaa shaki la’aan ah in Agaasimaha Guud ee Wasaarada Waraafintu ku sifoobay masuul ka soo baxay shaqadii uu qaranka u hayay, isla mrkaana ay tahay in loo mahad naqo qofkasta oo ka mid ah masuuliyiinta dawladda oo ku tallaabsaday wax qabad dhab ah oo muuqda si uu halkaasi uga sii wada shaqada uu qaranka u hayaan.

Waxa qoray Siciid Doodoo