ABAAL-LAAWE: Hoggaamiye aan Hoggaamin Lahayn – Cali Guray ~ Q.4aad

cali-gurayRun ahaantii guusha SNM marka hore waxay ku xidhnayd dagaalka qoriga oo ka socday jiidaha hore waa nay iska ba yarayd inta ku xidhnayd hogaanka sare ee ururka iyo xataa inta badan xubnaha Gudida Fulinta iyo weliba Golahiisa Dhexe oo iyagu wakhtigooda ugu badan ku qaadan jiray inta ay jigjigi ugu bari yayso, marka laga reebo shakhsiyaad faro ku tiris ah. Jigjiga iyo wixii galbeed ka xiga waxa ugu muhiim san ee talisyada iyo colalka jiidaha hore kaga xidhnaa waxay ahayd taakulaynta ay ka heli jireen dhinaca Itoobiya toos na u hoos imanay say Taliska Guud ee Ciidanka talisyada qaybuhu na ay iyaga kala xidhiidhi jireen.

Waxa kale oo muhiim ahaa adeegyada dhinaca daawaynta siiba cisbatalka Herer oo lagu daawayn jiray inta ugu badan dhaawacyada culus iyo dugsiga tababarka ee Baabuli. Arimahaas aynu soo sheegnay oo dhan wax kaga xidhnaa gudoomiyaha, gudida fulinta iyo golaha dhexe midna may jirin. Waxa uga muhiim sanaa xafiisyada maamulka oo ka dhexe uu ku yaalay Dire Dhaba laba kale na Jigjiga iyo Adiss Ababa.

Gudida Fulinta waxa ugu muhiim sanaa Xoghayeha Maaliyadda oo lagu soo hagaajin jiray qaadhaanka qurbe joogu iska soo ururiyo oo yarayd marka loo eego baahida lakiin ahayd lacagta ugu badan ee soo gasha ururka, isaga ayaa na qaybin jiray. Xoghayaha Maaliyadda iyo ka Arimaha Ciidanka ayaa mar walba ahaa labada xil ee ugu muhiimsan ee uu magacaabo gudoomiyaha ururku.

Intaa marka aynu ka tagno waxa isagu na jiray khilaafka gudaha oo joogto ahaa kana bilaabmi jiray halka uu ku dhamaado sida roobka na ka soo curan jiray galbeed iyo halka madaxda ururku ay joogaan. Mararka qaarkood khilaafku wuxu gaadhi jiray heerar khatar ah ilaa iyo heer uu curyaamiyo hawlaha dagaalka marka uu sidii webi soo karaarjabay soo gaadho jiidaha hore min Durya ilaa Balle Dhaye. Marka ay taasi jirtay waa la is waydiin karaa colka raacyada dambe ee masuuliyiinta ururka ah wax tarkooda iyo wax yeeladooda iyamaa badnaa?. Hadii sida jirtay ay wax yeeladoodu ka badnayd wax tarkooda siiba marka ay tahay hawlaha muhiimka ah ee dagaalka in madaxda ururku ay halkooda ku mahad sanadaan oo Jigjiga iyo Dire Dhaba iska fadhiyaan laakiin laga qulqulad la’aado uun khilaafka dhexdooda na aanay la soo dhaafin halkooda oo aanay soo gaadhsiinin jiidaha hore iyo mujaahidiinta dhexdooda.

ururka SNM tan iyo markii la asaasay waxa xilka gudoomiye-nimada iska bedelay tiro ba shan gudoomiye oo Axmed Silanyo uu ahaa kii ugu mudada dheeraa, mudada uu xilka hayay na aad uga badnayd marka la isku wada daro mudooyinka ay xilka hayeen afartii gudoomiye ee kale. Sidaa darteed hadii qof la odhanayo wuxu ahaa hogaamiyihii SNM wuxu noqon karaa uun Axmed Silanyo, inksta oo uu hogaaminayay halgan aanu rumaysnayn in wax guul ah uu gaadhi karo. Marar dhawr ahayd oo uu wax ka iftiimiyay aragtidiisa dhinaca guusha halganka wuxuu odhan jiray, oo weli ba ku celcelin jiray waar: HADII AYNU KULIGEEN ISUGU WADA TAGNO HAL DISTRICT” DEGMO” OO KELIYA OO AYNU KU GORGORTANNO MA QABSAN KARAYNAA?, micnihii aynu Siyad Barre kula gorgortano si uu wax uun inoogu ogolaado.
Mudadii dheerayd ee Axmed Silanyo uu hogaaminayay SNM intii ugu badnayd wakhti giisa wuxu ku sugnaa Diri Dhaba oo ahayd xarunta ururka. Sida caadiga ah gelinka hore wuxu fadhiisan jiray Xafiiskiisa Xarunta Dhexe hase ahaato wuxuu ku soo rawixi jiray Hotel Kara mara oo uu ka degenaa qol yar oo aad u cidhiidhi ah, laakiin hadana uga dhignaa caalamkiisa u gaarka ah ee uu kaga nasto buuqii xafiiska subaxdii iyo dhibaatooyinkii waxa uu ka qaban karayay ay aadka u yarayd. Marka laga reebo Dire Daba wakhtigiisa inta ugu badan ee kale wuxu ku maqnaan jiray London oo ahayd halkii uu markii hore na ka yimi reerku na u degenaa.

Jiidaha hore ama wixii Jigjiga bari ka xiga oo ahayd inta hawlaha ugu badan ugu culus, ugu na muhiim sanaa ururku ay ka socon jireen ayaa ahayd halka uu wakhtigiisa ugu yar siin jiray. Mar mar iyo dhif ayuu isaga oo wafti ah booqan jiray jiidaha hore markaa na kumuu raagi jirin ee wuxu joogi jiray wakhti yar oo xadidan ka dib na isagoo konkon san oon dheg la qabto lahayn ayuu dib isu soo melmeli jiray oo Hotel Kara mara iyo qolkiisii yaraa odhan jiray” hadii aanan balaayoy buul kayga kaa gelin” ilaa hada na mar kale uu tigidhka goosa nayo oo London u baqoolayo.

Mujaahidiinta colalka jiidaha hore Gudoomiyaha SNM macnaha ugu wayn ee uu ugu fadhiyay waxay ahayd keliya inuu ” Astaan” u yahay wax ay ka filan kareen oo badani na runtii muu jirin ba. Hadii laga tegi waayo way jeclaan lahaayeen in uu dhex yimaado, la joogo wakhti na la qaato oo dhegeysto marna ma hadhooyinkooda marna tabashooyinkooda haduu doono waxba ba yaanu ka qabanin eh. Waayo dhex jooga iyo dhegeysiga ayaa ba sed u noqon karayay nasiib darro lakiin wakhti ku filan inu siiyo muu kari jirin. Inta badan na gudoomiyaha iyo mujaahidiinta mar walba waa loo dhaxeeyay cidda u dhaxaysa Iyo gudoomiyaha xidheedhkoodu na saamayntiisa ayuu yeelanayay.

Axmed Silanyo, gudoomiyihii ugu mudada dheeraa SNM Mudadii uu xilka hayay waxa lagu xasuusan karaa dhawr arin: tan hore waa dulqaad uu ku xamili jiray warmaha darandooriga ahaa ee mucaaridkiisa hadii isagu uu qalad ama laba qalad lahaa iyagu na tobanka iyo labaatanka qalad lahaa. Khilaafka u dhexayn jiray isaga iyo mucaaridkiisu waxa la isku hayaa inta badan muu ahaan jirin wax khuseeya danta ururka SNM iyo taladeeda balse wuxu ahaan jiray wax uun salka ku hayay danaysiyo gaar ahaaneed oo shakhsi, koox, ama reer, in kasta oo ta reer-nimadu ay been ahayd ee la adeeg sanayay uun.

Tan labaad na waxay ahayd aftahnimadii uu lahaan jiray ee muranka iyo asaraarka aan dhiniciisa dhulka la dhigi jirin oo sax iyo qalad ba uu ku difaaci jiray, inta badan na uu sida gaarka ah ugu difaaci jiray qaladaadka iyo gol daloolooyinka ay leeyihiin shakhsiyaadka liitay ee isaga ka ag dhawaa ama uu xilalka u dhiiban jiray. Waxa caado u ahayd qofku mar hadii uu isaga dhankiisa yahay in xagiisa aanu qalad ba yeelan karin , xataa hadii ay leeyihiin wax kasta oo cadaymo ah oo la soo hordhigo lama marsiin jirin balse wuxu ku daadifayn jiray muran iyo asaraar keliya. Inta badan dadka uu xilalka uu dhiibi jiray may ahayn kuwo isagu sababo uu og yahay ku soo xusho ee waxay ahaan jireen kuwo ay cido kale wadato ama is wataan oon aqoon, daacadnimo, iyo karti toona loo eegin ee dano kale laga leeyahay oo marka uu soo tubo ee isu soo sooc aad geel kiis mooday say tayo xumadooda, taas ayaa na sabab u ahayd “rakaab xumada” ku noqotay naanaysta caanka ah ee ka hadhi wayday.