Xuska Maalinta Ciidanka Booliska Somaliland oo Siwayn looga Xusey+Sawiro

Hargeysa ( SLpost ) Ciidamada Booliska Somaliland ayaa shalay soo bandhigay xogta tirada dambiyada ka dhacay dalka sannadka 2013-ka, iyo sida ay uga hawl-geleen ciidamada ammaanka Somaliland, xogtaas oo si gaar ah u faah-faahisay tirada falalka dilalka ah ee dalka ka dhacay, tirada gacan ku dhiiglayaasha la qabtay iyo tirada kuwa la baadi-doonayo.
Ciidamada Booliska Somaliland waxa kale oo ay gaar ah u iftiimiyeen xogo dheeraad ah oo la xidhiidha tirada falalka muqaadaraadka ah ee ay gacanta ku soo dhigeen, lacagaha been abuurka ah ee la qabtay, shilalka gaadiidka dalka ka dhacay, iska horimaadyada hubaysan iyo tirade dadka iyagu gacandooda isku dilay ama is gubay.

IMG_0039
Hoggaanka hawl-gelinta Ciidamada Booliska Somaliland Maxamuud Ducaale ayaa xogtaasi ku soo bandhigay xafladdii Sannad guurada 20-aad ee ka soo wareegtay asaaska ciidamada booliska Somaliland oo sannad kasta dalka laga xuso saddexda bisha November , taas oo shalay lagu qabtay taliska guud ee ciidamada booliska Somaliland.
Hoggaanka hawl-gelinta ciidamada Booliska Somaliland isaga oo arrintaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “Waxaan si guud mar ah warbixin idiinka siinayaa, dambiyada guud ee dalka ka dhacay sannadka 2013-ka, kuwaasi oo aynu u faahfaahin doonno inta maxkamad loo gudbiyay, inta la xukumay, inta heshiis lagu dhameeyay iyo inta si fudud u soo af-jarantay.
Waxa kale oo aan si gaar ah u faahfaahin doonaa tirada dilalka dalka ka dhacay, tirada inta gacan ku dhiigle la qabtay iyo inta weli la baadi-doonayo. Sidoo kale waxa aynu si gaar ah u xusi-doonaa tirada falalka mukhaadaraadka ah, lacagaha been abuurka ah, shilalka gaadiidka, iska horimaadka hubaysan, tirade dadka iyagu is dilay ama is gubay iyo caruurta la tuuray guud ahaanba.”

IMG_0071
Taliye Maxamuud Ducaale waxa kale oo uu intaa ku daray “Inta aanan gudo gelin warbixintaas, waxaan jeclaan lahaa in aan wax ka tilmaamo dhacdooyinka dhinaca nabadgelyada khuseeya, oo ay ciidamada Boolisku muddooyinkan dambe ku hawlan yihiin, tallaabooyin adagna ay ka qaadeen. Waxaan ka mid ah dagaalo ay iskala horyimaadeen dhalinyarada kooxo kooxaysiga ah ee dhalinyarada xaafadaha magaalada, kuwaasi oo bulshada kula kaca falalka budhcadnimada ah iyo dhaqan xumo aynaan hore caado ugu lahayn oo ay ka mid yihiin kufsi wadareedyo.
Ciidamada boolisku waxa ay gacanta ku soo dhigeen sannadkan saddex boqol iyo shan iyo todobaatan oo ka mid ah dhalinyaradaas waxaana lagu xukumay xukunnada kala duwan ee ilaa saddex sanno ilaa saddex bilood u dhacayso.”

IMG_0080
Hoggaanku waxa kale oo uu ka hadlay fal-dambiyeedyada cusub ee dalka ku soo kordhay ee ay ciidamada boolisku kacanta ku soo dhigeen, falalkasi oo ay ka mid tahay aafada tahriibta, waxaanu yidhi “Waxa kale oo aan ka hadlayaa, aafada tahriibta. Muddooyinkan dabe waxaa soo kordhay ka ganacsiga dhalinyarada iyo tahriibta oo aafo qaran inagu ah. Waxaanay ciidamada boolisku ay la galeen dagaal, waxaanay gacanta ku soo dhigeen sannadkan 22 qof oo ah kuwa iyagu wax kala iibiya ee tahriibiya caruurta ee loo yaqaano aboolayaasha, waxa kale oo aanu gacanta ku soo dhignay saddex boqol iyo siddeetan dhalinyaro ah oo aanu dib u soo celinay, waalidkoodna aanu gacanta ka gelinay. Dhalinyaradaasi oo isugu jirtay reer Somaliland iyo reer Soomaaliya.”

IMG_0088
Maxamuud Ducaale waxa kale oo uu intaa raaciyay “Haddii aan soo qaado tirada guud ee dambiyada ka dhacay dalka sannadkann 2013-ka waxaa ka dhacay dalka kow iyo labaatan kun , laba boqol todobaatan iyo sideed dambi (21278). Maxkamada waxaanu u gudbinay lix kun lix boqol sagaal iyo sagaashan dambi ( 6699) waxaa la xukumay laba kun laba boqol konton iyo siddeed dambi (2258), inta laga heshiiyay sagaal kun saddex boqol iyo afar, waxaa beenoobay oo noqotay nooca loo yaqaano xaalad abuurka, waa saddex kun siddeed boqol iyo laba iyo sodon, inta baadhista ku jirtaa waa kun afar boqol saddex iyo afartan.”
“Haddii aan ka hadlo tirada dembiyada dilka ah ee dalka ka dhacay sannadkan 2013-ka waxaana dalka dhacay, waxaa dalka ka dhacay 73 dil, waxaa ku dhintay 75 qof, tirada gacan-ku-dhiiglayaasha la qabtay waa 68, tirada gacan ku dhiiglayaasha boolisku hadda baadi doonayaa waa 5 qof.” Ayuu yidhi hogaanka hawlgelinta ciidamada booliska Somaliland, waxaanu intaa raaciyay “Hadaan ka hadlo Tirada shilalka baabuurta ee dalka ka dhacay sannadkan 3013-ka, waxaa dalka ka dhacay laba kun saddex boqol todoba iyo afartan shil, inta ku dhimatay waxay noqotay boqol iyo lix iyo afartan, inta ku dhaawacantay waxay noqotay kun iyo siddeed boqol iyo shan, Tirada khasaaraha gaadiidka ee wax ku noqday waxay noqdeen kun lix boqol iyo lix, khasaaraha xoolaha ku dhintay waxay noqotay afar boqol sagaal iyo toban. Khasaaraha dhimashada dadka waxay noqotay laba boqol todoba iyo labaatan, khasaaraha dhismayaashu waxa uu noqday laba boqol iyo laba iyo labaatan.”

IMG_0099
Hoggaanka hawl-gelinta Ciidamada Booliska Somaliland Maxamuud Ducaale waxa kale oo sharaxaad ka bixiyay tirada dambiyada ay ka midka yihiin, caruurta la tuuray, tirada iska horimaadyada hubaysan ee dalka ka dhacay, tirada dadka iyagu is deldelay iyo tirada dadka is gubay, waxaanu yidhi “Haddii aan soo qaatay tirada caruurta la tuuray ee aanu soo helnay waa shan iyo toban sannadkan, waxaa dhintay todoba, inta noolina waa siddeed, tirada dadka is-deldelay waxa ay noqotay sannadkan siddeed iyo toban qof ayay noqdeen, tirada dhimatay waa siddeed iyo tobankiiba, dhaacaw ma laha.
Tirada iska-horimaadyada dalka ka dhacay sannadkan waxay noqdeen, afar iska horimaad ayaa dalka ka dhacay, waxaa ku dhintay sagaal qof, waxaana ku dhaawacmay koob iyo toban qof.”
Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sareeye Guuto Cabdilaahi Fadal Iiman ayaa isaguna munaasibadaasi ka hadlay , waxaanu faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay xaaladda amaannka guud ee dalka Somaliland iyo horumarka ay ku tallaabsadeen muddooyinkii u dammbeeyay iyo tirada saraakiisha ciidanka ee tababarada ku soo qaatay dalka dibadiisa.
Sareeye Guuto Cabdilaahi Fadal Iiman isaga oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Xaaladda nabadgelyada guud ee dalku waa mid aad u degan, mana jiraan wax xasilooni darro ah oo inaba ka taagan jamhuuriyada Somaliland.

IMG_0130
Waxqabadka ciidamaba Booliska Somaliland haddii aan ka soo qaato dhawr qodob oo koob kooban, waxaa sannadkan tababaro aqoontooda iyo xirfadooda Boolisnimo kor loogu qaadayo soo qaatay sagaal boqol oo askari, kuwaasi oo ay ka mid yihiin ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee sida RRU, SPU, CTU. Waxaa kale oo ka mid ah boqol iyo konton hablood oo ay aqoontoodu tahay dugsi dhexe, dugsi sare iyo heer jaamacadeed.”
Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland waxa kale oo uu intaa ku daray “Waxa kale oo sannadkan dalka gudihiisa iyo dibadiisaba tababaro ku soo qaatay boqol iyo labaatan sarkaal oo isugu jira, saraakiil sare, dhexe iyo baadhayaal. Waxaana ka mid ah dalalka ay tababarada ku soo qaateen, dalka Ingiriiska Itoobiya, Uganda iyo Kenya.
Sannadkan waxaa gaadiidka ciidamada Booliska ku soo kordhay saddex iyo labaatan baabuur oo cusub, kuwaasi oo ay ka mid yihiin toban baabuur oo ah baabuurta loo yaqaano 999-ka ah. Kuwaasi oo wax wayn ka taray dhinaca nabadgelyada, gaar ahaan dhalinyarada koooxo kooxaha ah ee rabshado wadayaasha ah iyo meelaha mad-madaw ee ay ku dhuuntaan kooxaha dambi quutayaashu.”
Somalilandpost.net
Hargeysa