Xukuumadda Somaliland oo Shaacisay Mowqifkeeda ku Aaddan Suldaan Wabar iyo Xiisadda Awdal

Xukuumadda Somaliland oo Shaacisay Mowqifkeeda ku Aaddan Suldaan Wabar iyo Xiisadda AwdalHargeysa (SLpost) Xukuumadda Somaliland, ayaa shaaca ka qaadday inaanay wakhti u hayn wada-hadal toos ah oo ay la furto Suldaan Abibakar Cilmi Wabar oo ka tirsan Madaxda Dhaqanka Awdal, isla markaana toddobaadkii hore shaaciyey in badi dadka uu Madax-dhaqameedkooda ka tirsan yahay ee reer Awdal ka goosteen Somaliland, samayn doonaanna Maamul ka madax-bannaan Somaliland oo Soomaaliya hoos-taga sida uu ku dooday.
Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami oo ka mid ah Xubnaha Guddiga Wasiirrada ah ee Madaxweynuhu dhawr bilood ka hor u xil-saaray ka soo talo-bixinta tabashada Madaxda Dhaqanka gobolka Awdal ay u soo gudbiyeen, sidoo kalena Madaxweynuhu u diray dejinta xiisadda uu abuuray hadalka Suldaan Abibakar Cilmi Wabar ku sheegay toddobaadkii hore inay reer Awdal ka go’ayaan Somaliland, ayaa sheegay inaanay wax wadahadal ah la samaynin Suldaanka, una diyaar ahayn inay wada-xaajood  la furto Suldaan Wabar.

HALKAN KA DAAWO