Xukuumadda Somaliland oo digniin u dirtay Muwaadiniin ay Dhaq-dhaqaaqooda la soco

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Biyaha Somaliland Saleebaan Cali Koore, ayaa digniin u diray dad uu sheegay inay had iyo jeer ku celceliyaan inaan la-wada layn Somaliland oo ka faa’idaysiga kheyraadkeeda iyo mansabkeeda cid gaar ah u xidhan tahay.

 

 

Wasiirka oo hadal ka jeedinayey munaasibad uu ka qayb-galay maanta, si cad uma sheegin cidda ay yihiin dadkaasi, waxa uu sheegay inay xukuumad ahaan la socdaan kana war-hayaan dadkaas isla markaana ay tallaabo ka qaadi doonaan haddii aanay ka waan-taabin hadalkaas oo uu sheegay mid ka been-sheegaya xaqiiqada dhabka ah ee daka jirta dalka.

 

FAAHFAAHINTA WARKAN KAGA BOGO MUUQAALKAN HOOSE