Xukuumadda Somaliland oo awaamiir ka soo saartay adeegsiga Hirarka Isgaadhsiinta ee dalka

Wasiirka Isgaadhsiinta, Tiknoolajiyadda iyo Boosaha ee Jamhuuriyadda Somaliland Dr Cabdiweli Sh. Cabdilaahi Suufi

 

Hargeysa (SLpost)- Wasaaradda Boosaha, isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda Somaliland ayaa soo saartay Awaamiir  ay ku xadidayso Hirarka ay isticmaalaan Telefiishannada Dalka ka hawl-gala.

Wareegto uu maanta soo saaray Wasiirka Wasaaradda Boosaha, Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda Dr. Cabdiweli Suufi Jibriil ayuu ku sheegay in Shirkadaha bixiya Adeegga Muuq-baahinta ama Telefiishannada looga baahan yahay soo codsadaan inay dib u soo codsadaan diwaangelinta Hirarka ay adeegsadaan.

Wasiirka Isgaadhsiinta, Tiknoolajiyadda iyo Boosaha ee Jamhuuriyadda Somaliland Dr Cabdiweli Sh. Cabdilaahi Suufi

Wareegtada oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Wargeyska Geeska Afrika ayaa iyadoo dhamaystiran u qornayd sidan:-

Markaan arkay:- Qodobbada 31-aad, 36-aad iyo 39-aad ee xeerka Boosaha iyo Isgaadhsiinta JSL  Xeer Lr. 50/2020

Markaan Arkay:- Qodobbada kala duwan ee Xeer-nidaamiyaha Maamulka Hirarka Isgaadhsiinta Xeer Lr. 05/2020 ee Wasaaraddu soo saartay.

Markaan ogaaday:- baahida loo qabo horumarinta Maamulka Hirarka isgaadhsiinta iyadoo la ilaalinayo Habsami u adeegsiga hirarka astaysan.

Markaan arkay:- in qaabka imika ay Wasaaraddu u bixiso Ruqsadda Hirarka isgaadhsiintu aanay ahayn mid waafaqsan Hab-raacyada Hay’adaha Caalamiga ahi dejiyeen.

Markii aan u kuur-galay:- Qaabka ay dalalka aynu jaarka nahay ee aynu ku wada jirno Gobolka 1-aad ee Hay’adaha Caalamiga ah ee Isgaadhsiinta (ITU) ay u Maamulaan Hirarka Isgaadhsiinta  ee Telefiishannnada.

Waxaan Go’aamiyey:-

In shirkadaha bixiya adeegga Muuq-baahiyaha ee loo yaqaano (Cable Tv) ay adeegsan karaan ugu badnaan lix (6) Kanaal (Channel) oo Hirarka  UHF-ka ah.

In dhammaan shirkadaha bixiya adeegga kor ku xusan dib u soo codsadaan diwaangelinta hirarka ay imika adeegsadaan muddo saddex bilood gudahood ah.

In shirkadaha bixiya adeegga kor ku xusani u hoggaansamaan Xeerarka, Hab-raacyada iyo Tilmaamaha Wasaaraddu soo saarto ee la xidhiidha nooca, awoodda, iyo Tayada Qalabka baahinta iyo horumarka farsamada Casriga ah.

In Wasaaradda iyo shirkaduhu ka wada shaqeeyaan  habsami u adeegsiga hirarka isgaadhsiineed ee la xidhiidha adeegsiga Muuq-baahiyaha iyo Farsamada lalinta.

Wakhtiga ay ku hirgelayaan Qodobbada Wareegtadani waa muddo saddex bilood ah.” Sidaas ayaa lagu yidhi wareegtada wasiirka.

Somalilandpost.net