Xukuumadda oo Waxba Kama Jiraan ku Tilmaantay Warbixin Xarunta Xuquuqal Insaanku soo Saartay

Hargaysa(SLpost)-Xukuumadda Somaliland aya ka jawaabtay warbixin sannadeed ay soo saartay xarunta xuquuqal iinsaanka Somaliland ee Human Rights Centre oo ka warantay tacdiyada dalka Somaliland ka dhacay sannadkan 2015-ka.

Wasiir ku xigeenka amniga ee wasaaradda arimaha gudaha Somaliland Md Maxamed Muuse Diiriye ayaa

“Warkaa ay soo saartay haayadaa xuquuqal iinsaanka madaxa banaan waxba kama jiraan”

Wasiirka ayaa ka hadlay dilalka ka dhacay mudadii uu xilka ka hayey magaalada Burco iyo sida ay uga hortagaan.

“Dalkeenna waxbaa ka dhaca sida adduunka kaleba wax uga dhacaan, waa la qabtaa wixii wax lagu helo waa la xukumaa,wixii wax lagu waayana waa la xukumaa, anigu badhasaabkii Burco ayaa ahaa waxa ka dhacay 26 dil mid nagumuu baxsan,wax la xukumay waxna reerihii ka heshiiyeen. Ta boolisku sameeyo dawladdaa hawsheeda qaada anigu in mag laga bixiyo ma jeclayn, haddii la yidhaahdo” ayuu yidhi wasiirul dawlaha .

Wasiir ku xigeenka amnigu waxa uu sheegay inaanay waxba ka jirin warbixinta ay soo saartay xarunta xuquuqal iinsaanka Somaliland.

Xarunta xuquuqal iinsaanka Somaliland ee Human Right Center ayaa maalintii shalay soo saartay warbixin 24 ka kooban oo ay kaga waramayso xaalada xuuquqal aadanaha Somaliland.

https://youtu.be/veJdH-RQYtA

Somalilandpost.net

Hargeysa, Somaliland

Somalilandpost.net