Xukuumadda oo ka hadashay Saamaynta Cunaqabataynta Hubka ee laga qaadayo Somalia ku leedahay Somaliland Iyo Isku-dhac Dhexmaray Laba Beelood

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland ayaa shaaca ka qaaday inay ka soo horjeeddo in cuno-qabataynta hubka laga qaado Soomaaliya. Taasi oo Golaha Ammaanka ee Qarramadda midoobay ka baaraan degayaan.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda Warfaafinta Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo maanta u warramay HCTV, ayaa wax kale oo uu ka hadlay shaqaaqo ka dhacday xeebta Galbeedka Somaliland oo dhexmartay laba beelood oo halkaas wada dega, waxaanu sheegay inay halkaasi geeyeen Ciidamo dheeraad ah oo kala dhex gala beelahaasi, taas oo uu sheegay inay ilaahay ka baryayan inuu kala qaboonjiyo, isla markaana gurmad weyn loogu jiro sidii loo damin lahaa shaqaaqadaasi.

cukuse“Mawqifka ay Somaliland ka qabtaa arrintaasi waa mid cad Hubka in loo fasaxo Somalia iyo cariga ay Soomaalidu dagtaba waqtigan xaadirka ah waa wax sharafa oo ku jiraa ma jiro, marka la eego sababo badan awgood hubku marka la fasaxayo ee uu imanayo ee uu nidaam dawliya ku imanayo waa inuu galaa gacan dawladeed,” ayuu yidhi Cabdilaahi Cukuse, waxaanu intaas ku daray hadalkiisa, “Waa inuu galaa gacan hayn karta oo xajin karta waa inaanu noqon hub ku kala fidaya ama gacanta uga gala maleeshiyaad iyo kooxo xag jir ah iyo qaar nabad diida iyo qabaa’il is haysta, waa inaanu noqonin matalan ciidamada Amison xilagan Somalia waxay ka samaysay waxooga nabad galayo ah, waxaan isleeyahay waxoogaa nabdadgalyada ah ee ay samaysay qayb buu ka ahaa hubkaa xayirnaa, markaa hubka hadii mar kale la fasaxo waxay ila tahay inuu u gacan galo gacan aan ahayn tii aaminka ahayd.”

Cabdilaahi Daahir, waxa kale oo uu ka hadlay shaqaaqo shalay gelinkii dambe ka dhacday xeebta Saylac gaar ahaan deegaanka Xariirad, taas oo sababtay dhimashada hal qof, waxaanuu sheegay in gurmad loo galay si loo qaboojiyo xiisadda ka oogan, “Dawlada Somaliland, waxay samaysay dedaal faro-badan bay gashay dedaalkaasi iyo xoogaasi Wasiiraa tagay habeen walbana waa loo soo jeedaa arrinkaasi sidii lagu dhamayn lahaa ILAAHAY-na, waxaanu ka baryeynaa inuu nagu garab qabto imikana arrinta Xariirad may ahayn arrin sidaa u sii balaadhan, waana arrin aanu ILAAHAY ka baryayno inuu qaboojiyo ciidamo faro badan ayaanU u dirnay oo kuwa amniga ah ilaa shalay , xalay baanay gaadheen, markaa waxaan ku niyadsamahay inay halkaasi dhawaan aRrinteedu dhamaanayso oo hadalkeeda soo noq-noqday ILAAHAY-na ha nala qabto,” ayuu yidhi Cabdilaahi Cukuse.

SOMALILANDPOST.NET