Xukuumadda oo faahfaahisay sababta Dalka looga horjoogsaday Weriye Cali Seenyo

Hargeysa (SLpost)- Wasiir ku-xigeenka Amniga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Muuse Diiriye, ayaa sheegay in sababta Weriye Cali Seenyo looga horjoogsaday inuu dalka soo galo aanay wax xidhiidh la lahayn xirfaddiisa suxufino iyo xuquuqdiisa muwaadin balse ay la xidhidho wax uu ku tilmaamay fulinta mashruuc aanu sifaha sharci u soo marin.

Badhasaabka Togdheer oo iftiimiyey Sababta Cusboonaysiisay Shaqaaqada Balliga Diiriye GuuleedWeriye Cali Seenyo oo ay weheliyaan shaqaale ka tirsan telefishanka SAAB iyo shaqsiyaad aanu magac-dhabin oo ka yimi dhinaca dalka Jabuuti una soo socday magaalada Saylac ee xarunta gobolka Selal, ayaa sheegay inay u socdeen inay barnaamij ka duubaan Masaajidka taariikhi ah oo ku yaalla magaalada Saylac oo sida uu sheegay ay ujeeddadoodu ahayd inay ganacsatada iyo dadka danaynaya ku baraarujiyaan sidii loo dayac-tiri lahaa loona ilaalin lahaa dhismaha Masaajidkaas oo burburay. Cali Seenyo waxa uu sheegay in Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sarreeya Gaas Cabdilaahi Fadal Iimaan ka horjoogsaday inuu dalka soo galo, isagoo taliyaha ku dhaliilo ugu jeediyey warbixin laga baahiyey telefishanka SAAB.

 

KA DAAWO MUUQAALKAN MUUQAALKAN HOOSE