Xukuumadda oo bilowday qabqabashada Markhaa-tiyaashii dacwaddii Axmed-Xamarje iyo Axmed Dirir

Hargeysa (SLpost)- Waxa magaalada Hargeysa lagu xidhay qar kalena la baadi goobayaa si aaney uga markhaati furin dhegeysiga maxkamada racfaanka ee dhegeysigeeda loo balan san yahay dhawaan, markhaatiyaal wax ka ogaa dacwadda natiijadeedu ku biyo-shubatay xukunka lagu riday Guddoomiyihii hore ee gobolka Maroodijeex Axmed Cumar X. Cabdillaahi (Xamarje) iyo Agaasimihii hore ee wasaaradda Dib u dejinta Axmed Cilmi Dirir.

Faysal Aadan oo ahaa derewelkii hore ee taliye ku-xigenka Booliska Somaliland oo markii hore lagu waday in uu ka markhaati furo dacwadii lagu soo oogay masuuliyiinta, ayaa muddo laba cisho ah laga la’aa magaalada Hargeysa.

Warkani waxa uu intaas ku darary in la xaqiijiyay in Xalay loo dhaadhiciyay Xabsiga dhexe ee magaalada Hargeysa, lamana shaacin sababta dhabta ah ee loo qabtay Faysal Aadan xilli ay soo dhawdahay dhegeysiga maxkamada racfaanka oo qareennada Xubnaha Xidhan u doodayaa dalbadeen in Maxkamaddaasi dib u dhegaysato dacwaddoosa.

Xukuumada ayaa tiroba dhawr jeer baajisay dhegeysiga maxkamada racfaanka ee masuuliyiinta u xidhan musuqa raashin mucaawino ahaa.

Dadka u kuur gala dacwadaha noocan ah iyo taageereyaasha masuuliyiinta xidhan, ayaa shaki weyn ka muujiyay eedda iyo xukunka ku dhacay masuuliyiintan.

Qareenka masuuliyiintan hore xukuumadda uga tirsanaa oo lagu magacaabo Maxamuud Cabdiraxmaan, ayaa war Wargeyska Ogaal baahiyey todobaadkan gudihiisa, waxa uu ku sheegay in Maxkamadda Rafcaanka gobolka Hargeysa ka aqbashay waraaq ay kaga codsadeen in dib loo dhegaysto dacwaddooda, isla markaana fadhiga dhegaysiga ee Maxkamadda loo ballansan yahay maalinta Khamiista ee 27-ka bishan.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net