Xukuumadda iyo Saddexda Xisbiga Qaran oo isla qaatay ka qayb-galka Shirka London ka dib wax-ka-beddel lagu sameeyey Qaabka ay Somaliland ku tagayso

Hargeysa, 03 January, 2012 (SLpost)- Kulan Xalay dhex maray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Hoggaamiyeyaasha Saddexda Xisbi Qaran ayaa isla qaatay in laga qayb-galo Shirka Soomaalida ee maagalada London ka dib markii madaxweynuhu u soo bandhigay in dawladda Ingiriisku wax ka beddeshay qaabka ay Somaliland uga qayb-galayso.

Waxa sidaas lagu sheegay Warsaxaafadeed uu ku saxeexan yahay Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Mudane Muuse Biixi Cabdi kaas lagu shaaciyey in Xukuumada iyo Sadexda Xisbi Qaran ay isla garteen isbeddel ay dawlada ingiriisku ku samaysay qaabkii loo tagayay shirka dabayaaqada bishan ka qabsoomi doona magaalada London kaas oo tilmaamaya in dawlada Somaliland ay shirkaas ku timaado iyada oo ka gooni ah Somalia.

War-saxaafadeedkaas oo dhammaysitiran ayaa u dhignaa sidan:-

“Shir ay Madaxweynaha iyo Sadexda Xisbi Qaran isugu yimaadeen guriga Madaxtooyada JSL xalay oo taariikhdu ahayd 3.02.2012,Madaxweynuhu waxa uu uga waramay isbeddel lagu sameeyay qaabkii shirka London ka qabsoomi doona 23.02.2012 waxaanu sheegay

  • In dawlada ingiriisku ogolaatay in dawlada Somaliland ku timaado shirkaas iyada oo ka gooni ah Somalia
  • Dawlada Ingiriisku waxay xaqiijisay in qodobka ku jira geedi socodka siyaasada (Road Map) uu gaar u yahay TFG-da iyo Gobolada hoos yimaada ,iyadoo dawlada Ingiriisku cadaysay inaanu qodobkaasi khusaynin Somaliland oo aanu shaqo ku lahayn.
  • Qodobada kale ee Ajandaha ku jira sida Amaanka Gobolka, Budhcad badeeda,Horumarinta I.W.M , Somaliland waxay kala dawladaha gobolka.
  • Shirkaasi maaha mid lagu wada hadashiinayo Somaliland iyo Konfurta Soomaliya.
  • Somaliland waxay fadhiisanaysaa meel ka duwan kana durugsan Xubnaha TFG-da iyo Gobolada hoos yimaada.”

Waxa Warsaxaafadeedka lagu sheegay in Saddexda Xisbi Qaran soo dhaweeyeen isbeddelka dawlada ingiriisku ku samaysay qaabkii shirkaas loo tagayay isla markaana waxay saddexda xisbi qaran soo dhaweeyeen hab maamuuska dawlada Ingiriisku siisay Somaliland inay shirkaas kaga qayb gasho.

Warsaxaafadeedkan uu ku saxeexan yahay Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Mudane Muuse Biixi Cabdi waxaa lagu sheegay in la isla qaatay in si wada jir ah Mucaarid iyo Muxaafidba loogu midoobo taabo gelinta Qaranka iyo Aqoonsi raadinta ,waxaa kale oo la isla qaatay in ergo ka kooban (Muxaafid iyo Mucaarid) lagu tago Shirkaas.

Gabo-gabadii waxa uu Warsaxaafadeedku yidhi Kulmiye waxa uu ugu baaqayaa Ummada Somaliland inay u midowdo nabadda, Horumarinta, Aqoonsi raadinta iyo Dhismaha dalkeena.

SOMALILANDPOST NEWS

webmaster@somalilandpost.net