Madrid (SLpost)- Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Ban Ki-moon ayaa socdaal taageero ugu raadinayo barnaamijka ‘Yoolka horumarka Qarniga’ ku tegay garoonka kooxda Real Madrid ee Bernabeu, una soo jeediyey bulshada inay taageeraan.
Ban Ki-moon oo ka qeybgalay Ciyaar ay garoonkaa ku yeesheen kooxaha Madrid iyo levente oo qeyb ka ah kulamo xidhiidh ah oo lagu dhiirigelinayo barnaamijka cidhib-tirka Saboolnimada adduunka, ayaa halkaa ku laaday kubadii ugu horeysay.
Xoghayaha Guud ayaa xidhnaa garan dhabarka uu kaga Xardhan yahay Lambarka 1,000, oo loola jeedo maalmaha ka hadhay dhammaadka barnaamijka Yoolka horumarka Qarniga, oo siddeed hal-ku-dhig oo uu leeyahay ay ka mid tahay Yareynta Saboolnimada, Xakamaynta Faafidda Cudurka Dilaaga ee HIV/AIDs, iyo helitaanka Waxbarasho ku filan Jiilalka Caalamka.
SOMALILANDPOST.NET