Xisbiyada UCID & WADDANI oo Aragtiyo Isku-Lid ah ku Fasiray Ujeeddada Kulankii Guurtida & Madaxweynaha, Fulinta Heshiiskii Xisbiyada iyo Jawaabta Kulmiye

Cali Guray oo talooyin u soo jeediyey Madaxweynaha iyo mowqifka Xisbiyadu ka qaadanayaan Muddo-kordhinta Guurtida

Hargeysa (SLpost)- Xisbiyada Mucaaradka Somaliland, ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay Kulan Khamiistii dorraad madaxtooyada ku dhexmaray Shir-guddoonka Golaha Guurtida iyo Madaxweynaha, kaas oo Md Siilaanyo ugu bandhigay Golaha Guurtida inay dib-u-eegis ku sameeyaan go’aanka muddo-kordhinta xukuumadda iyo Golaha Wakiillada.

Xisbiyada UCID iyo Waddani, waxa kale oo ay siyaabo kala duwan uga hadleen isla markaana masuuliyadda khilaafka siyaasadeed ee muddada doorashada ka taagan u kala nisbeeyeen madaxweynaha iyo Golaha Guurtida.

cali-gurayKulanka Khamiistii dhexmaray madaxweynaha iyo Shir-guddoonka Guurtida oo aanay Saxaafaddu goob-joog ka ahayn, waxa markii uu dhammaaday warbaahinta la hadlay xubnaha Guurtida ee kulankaas ka qayb-galay, waxaanay halkaas ka sheegeen inay madaxweynaha ku gacan-saydheen dalab uu ugu soo jeediyey inay dib u eegaan Muddo-kordhintii ay u sameeyeen Xukuumaddiisa iyo Wakiillada isla markaana ay ku saleeyaan heshiiskii dhexmaray Xisbiyada iyo Xukuumadda, waxaanay sheegeen in go’aankaasi sharci yahay, ka-noqoshadiisuna ay meel-ka-dhac ku tahay jiritaanka Golaha Guurtida.

Guddoomiye ku-xigeenka 3aad ee Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, Cali Maxamed Yuusuf (Cali-Guray) oo ka hadlayey kulanka madaxtooyada ku dhexmaray Md Axmed Siilaanyo iyo Shir-guddoonka Guurtida, waxa uu tallaabo sharaf-dhac ku ah oo karaamada madaxweynaha wax u dhimaysa ku tilmaamay in golaha Guurtidu ku gacan-saydhaan talo-soo-jeedinta madaxweynuhu u soo bandhigay, waxaanu Md Axmed Siilaanyo u soo jeediyey inuu go’aan sharaftiisa iyo karaamadii uu dhowrayo ka qaato muranka muddo-kordhinta Guurtida ka taagan.

Maxamed KaahinCali Yuusuf oo Wargeyska Himilo khadka telefoonka wax kaga weydiiyey aragtidooda ku aaddan natiijada kulankaas, waxa uu ku jawaabay, “Runtii aad iyo aad ayaanu uga xunnaahay, waxaananu u arkaynaa inay weji-gabax ku tahay madaxweynaha, sharaf-dhacna ku tahay siday u dhaqmeen. Arrinka la isku hayaana wax kale maaha ee Go’aankii Golaha Guurtida oo aanu u aragno inaanu dastuurka waafaqsanayn, sharci-na ahayn, waxa ugu muhiimsanna waxa weeyi muddada doorashada cidda cayimaysa, waxay ahayd inay muddo-kordhintooda ku saleeyaan Jadwalka Komishanka, haseyeeshee markii la yidhi nimankii (Guurtida) hadalkii wuu ka dhacay ee madaxweynihii gogol fidiyey ee la yidhi xal siyaasi ah hala gaadho oo meel laysugu yimaaddo, waxaanu oggolaanay inaanu ka durugno 1-dii June 2016-ka ee Komishanka oo aanu December isla oggolaanay saddexdayada Xisbi, kaasina wuxuu ahaa xal siyaasi ah oo haddii aanu isla oggolaano, komishankana isla oggolaan karaynay inay wakhtigooda ku saleeyaan, laakiin nasiib-darro waxa gaashaanka ku dhuftay Guurtida. Dabadeed waxa khasab noqotay in odayaasha la kasbo oo la yidhaahdo waa la dhiraan-dhirinayaa, taasaa lumisay fursadda oo waxa laga dhigay niman wax sharci ah gaadhay, aakhirkiina waxay noqotay inay madaxweynihii ka diidaan inay ku saleeyaan wakhtigaas heshiiska lagu yahay. Waxa kale oo nasiib-darro ah iyagoo madaxweynihii kaga soo horkacay fadhigii, ayay haddana isla madaxtooyada dhexdeedii ka hadleen oo ay yidhaahdeen waanu ka diidnay madaxweynaha wixii uu noo soo jeediyey.”

Cali Maxamed Yuusuf oo aanu weydiinnay su’aal nuxurkeedu ahaa mar haddii lagu guul-darraystay in Golaha Guurtidu lagu qanciyo dib-u-eegista Go’aankii ay muddo-kordhinta ugu sameeyeen Madaxweynaha, Madaxweyne ku-xigeenka iyo Golaha Wakiillada, waxa uu ku jawaabay, “Madaxweynaha waxaanu kula talinay, mar walbana ay ahayd, haddii uu doonayo in halkan la wada oggol yahay lagu soo noqdo, waddada qudha ee furnayd waxay ahayd cidda qudha ee xaqa u leh inay tafsiirto dastuurta oo Maxkamadda Sare ah. Maxkamadda Sare ayaanu annagu ka jeclayn inuu gudbiyo ayaanu ka jeclayn inuu yidhaahdo waa la dhirraan-dhirinayaa. Markaa, annagu mid qudha ayaanu oggolnahay, waxaanu oggolnahay Maxkamadda Sare oo fasirta Go’aanka Guurtida oo tidhaahda waa go’aan Dastuuri ah, taas oo kaliya uunbaanu oggolaan karnaa,” Sidaas ayuu yidhi Cali-Guray.

Isagoo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray oo yidhi, “Markaa, waxaanu leenahay madaxweynaha dhirraan-dhirin dambe iska daa oo yaan wakhti dambe lagu luminin. Nimankani hadday ixtiraamayaan magacaaga adigoo hoggaamiyihii iyo masuulkii koowaad ee Qarankan ah, way kaa xishoon lahaayeen. Markaa waxaad magacaaga ku soo ceshan kartaa oo kaliya inaad Maxkamadda Sare u gudbiso oo tidhaahdo ‘sow maydaan diidin, maxkamaddaas ayaa go’aan ka gaadhaysa’. Maxkamadda Sare go’aankaas ay ka gaadho, sankaa u daloola iyaga (Guurtida), Wakiillo, Xukuumad, Xisbiyo, mucaarad iyo muxaafidba.”

wadani_guddiga (11)Guddoomiye Cali Yuusuf oo aanu weydiinnay sida uu Sharciyadda dalka u waafaqayo maadaama ay mucaaraad ahaan sharci-darro u arkaan Go’aanka muddo-kordhinta Guurtida, waxa uu ku jawaabay, “Annagu sharci ahaan xaq uma lihin inaanu dooranno, marka sharciga la eeganna, waxa (Heshiiskii Xisbiga) uga dhow kii 1-da June ee Komishanka, laakiin kani wuxuu ahaa xal siyaasi ah in wax lagu midaysan yahay la helo oo xataa Komishanka iyo Beesha caalamku nala qaadan karaan, laakiin khasab maaha inuu noqdo kaayagii. Waanu oggolnahay in la fuliyo heshiiskaas, wuxuuse sharci noqonayaa marka madaxweynuhu komishanka u gudbiyo, komishankuna ay ku saleeyaan xilliga doorashada, dabadeedna uu madaxweynuhu digreeto ku soo saaro. Laakiin sidaas uu immika yahay sharci kuma aha.”

Guddoomiye Cali Guray oo ka hadlaya Cidda ay Mucaarad ahaan uga fadhiyaan fulinta heshiiskaas inay tahay madaxweynaha iyo haddii ay cid kale tahay, waxa uu ku jawaabay, “Madaxweynaha maaha, waxa taagan khilaaf dastuuri ah; Guurtidu waxay doorashada u cayimaan March (2017), annaguna waxaanu leenahay xaq uma laha iyagu inay cayimaan, cidda cayimaysaana waa Komishanka doorashooyinka oo dabadeed madaxweynaha u soo gudbinaya, madaxweynuhu digreeto ayuu ku soo saaraya. Annagu xaq uma lihin haddaanu nahay xisbiyada qaranka in akhtiga doorashada la cayimo,” ayuu yidhi Guddoomiye ku-xigeenka 3aad ee Xisbiga UCID.

Haseyeeshee, Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, ayaa muujiyey inay qabaan aragti taas ka duwan, sheegayna inay madaxweynaha saaran tahay masuuliyadda fulinta heshiiska. Waxa kale oo Xisbiga WADDANI ka hadlay sida ay u arkaan natiijada Kulanka madaxtooyada u dhexmaray madaxweynaha iyo Guurtida, kaas oo ay ku sifeeyeen dhalanteed ay jilayaan oo isla ogyihiin madaxtooyada iyo xubno Golaha Guurtida ka tirsan.

“Filimka yare ee shalay (Khamiistii) ka dhacay madaxtooyada ee ay abaabuleen kooxda yare e ka tirsan Madaxtooyada iyo Kooxda yare ee Golaha Guurtida ka tirsan, waa filim ay ogyihiin shacabka Somaliland oo ay aad uga dheregsan yihiin inuu yahay filim aan soconayn, Dalka waxa loo doortay madaxweynaha Somaliland, runtii madaxweynaha ayaa looga fadhiyaa inuu fuliyo heshiiskii uu nala galay saddexda Xisbi Qaran ee aanu madaxtooyada ku saxeexnay,” Sidaas ayuu yidhi Axmed Muumin Seed oo u warramayey telefishanka Star TV shalay.

Guddoomiye Axmed Muumin Seed oo hadalkiisa sii watay, wuxuu yidhi, “Markaa, haddaanu nahay Xisbiyadii waxaanu diyaar u nahay oo sugaynaa madaxweynaha wakhtigiisu dhammaaday inuu caddeeyo muddada uu qabanayo doorasho xor iyo xalaal ah oo dalka ka qabsoonta. Beeshii Caalamka qayb-baa naga baxday, waddamada jaarka shaki badan baa jira, markaa si ay meesha uga baxdo taasi, waxa laga rabaa madaxweynaha inuu shacabkiisa hor yimaaddo oo u sheego xilliga uu doorashada qabanayo.”

Dhinaca kale, Xisbiyaga Muxaafadka ah ee Kulmiye oo aanu wax ka weydiinnay arrintan maadaama oo ay dhinac ka ahaayeen heshiiskii dhexmaray Xisbiyada Mucaaradka ah iyo Xukuumadda ee muddada doorashada laga gaadhay, ayaa gebi ahaanba ka gaabsaday ka hadalka kulanka Madaxweynaha iyo shirguddoonka Guurtida dhexmaray Khamiistii dorraad.

Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Xisbiyada talada dalka haya ee Kulmiye Maxamed Kaahin Ahmed oo aanu khadka telefoonka wax kaga weydiinnay aragtida Xisbiga ee kulankaas, ayaa sheegay inaaay xisbi ahaan diyaar u ahayn ka-hadalka, “Adeer, immika taas ka hadli mayno,” ayuu yidhi Maxamed Kaahin Axmed, Guddooomiye ku-xigeenka 1aad ee Xisbiga Kulmiye.

Xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye, ayaa hore u ballan-qaaday inay Xukuumadda kala-shaqayn doonaan sidii Golaha Guurtida loogu qancin lahaa dib-u-eegista Go’aanka Muddo-kordhinta ee khilaafka siyaasadeed ka dhashay. Haseyeeshee, Guddoomiyaha Xisbigaas Muuse Biixi Cabdi oo laba todobaad ka hor warbaahinta la hadlay, ayaa Xisbiyada Mucaaradka ugu baaqay inay xukuumadda iyo Xisbigiisa kala hawl-galaan isla markaana kala shaqeeyaan sidii tixgelinta heshiiskaas loogu qancin lahaa Golaha Guurtida.

Khilaafka Siyaasadeed ee ka dhashay muddo-kordhinta sannadka iyo tobanka bilood ah ee Golaha Guurtidu oo 11-kii bishii May ee sannadkan ansixiyey inay u kordhiyeen Madaxweynaha, Madaxweyne Ku-xigeenka iyo Golaha Wakiillada, ayaa xilligan u muuqda mid weli dalka ka taagan, maadaama oo natiijada kulanka madaxweynaha iyo Guurtidu u muuqdo inuu jawaab u yahay baaqyo xisbiyada mucaaradka ahi ugu jeediyaan madaxweynaha inuu fuliyo heshiiskaas oo xisbiyada mucaaradka ahi ku oggolaadeen muddo-kordhin xukuumadda loo sameeyo balse aan ahayn muddo-kordhinta guurtida, iyadoo labada muddo-kordhinoodna ay is-dheer yihiin Afar bilood. WADDANI iyo UCID ayaa sheegay inay oggol yihiin muddo kordhin ah laga bilaabo 26 June 2015 illaa December 2016, halka Go’aanka Golaha Guurtiduna dhigayo in doorashooyinka la qabto bisha March ee sannadka 2017-ka.

Xigasho: Wargeyska Himilo