Xisbiyada Mucaaradka oo Sheegay inay Xukuumaddu kaga Baxday Wada-hadal Xal loogu raadinayey khilaafka Diiwaangelinta Madaniga ah

Hargeysa (SLpost)- Labada Xisbi mucaarad ee Waddani iyo UCID, ayaa sheegay in xukuumaddu kaga baxday kulan ay maanta gelinkii dambe u ballansanaayeen, kaas oo ay kaga wada-hadlayeen khilaafka ka taagan diiwaangelinta Madaniga ah oo qaabka loo hirgelinayo iyo qodobbo ku xusan xeerka diiwaangelinta ay axsaabta mucaaradku ka biyo-diideen.

Xisbiyada Mucaaradka oo Sheegay inay Xukuumaddu kaga Baxday Wada-hadal Xal loogu raadinayey khilaafka Diiwaangelinta Madaniga ahXoghayeyaasha Guud ee xisbiyada UCID iyo Waddani, ayaa maalintii Isniinta ee shalay shaaciyey inay isla afgarteen xukuumadda xalinta caqabadaha ku gedaaman diiwaangelinta Madaniga ah oo ay labada xisbi qaaddaceen, ka dib kulan dhexmaray hoggaanka xisbiyada iyo wasiirro ka tirsan xukuumadda, iyaga oo sheegay inay kulan arrintan lagaga wada-hadlayo u ballansan yihiin maalinimada Salaasada ee maanta, kaas la qorsheeyey inuu ka dhaco Hotel Ambassador ee Hargeysa.

HALKAN KA DAAWO