Masuuliyiinta Xisbiyada Mucaaradka Ah Oo Socod Lug Ah Ku Tagey Xarunta Maxkamadda Sare

Hargeysa (SLpost)- Hoggaamiyeyaasha xisbiyada mucaaradka Somaliland ee Waddani iyo Ucid oo ay wahelinayaan mas’uuliyiin ka kala tirsan xisbiyadaas iyo siyaasiyiinta ku bahoobay madasha wada-tashiga, ayaa socdaal lug ah oo ay ka soo qaadeen hotel Hadhwanaag ku tagay Maxkmadda sare ee Somaliland ka dib markii laga horjoogsaday in shirkii talo-qaran ee maalmo ka hor ay ku dhawaaqeen lagu qabto hotel Dalxiis ee magaalada Hargeysa.Xisbiyada

Waxaana wararku hada nagu soo gaadhayaan in mas’uuliyiintani ay kulan gooni ay gudaha Maxkamada sare kula jiraan guddoomiyaha Maxkmadaas Pro.Aadan X.Cali oo ay shalay u gudbiyeen dacwad ay kaga cabanayaan in xukuumaddu u diiday in aanay shirka aanay wax shirar ah ku qabsan karin hoteelada dalka.

Illaa hada lama oga waxa ay ka wada-hadlayaan balse waxaa ay wararku tibaaxayaan in ay guddoomiyaha Maxkamadda sare ay mar kale u gudbiyenn sii xoojinta dacwadii ay maalintii shalay u gudbiyeen iyo siddii ay Maxkamadda sare go’aan deg-dag ah uga soo saari lahayd.Xisbiyo

Waxaana ay wararku ku darayaan in guddoomiyaha Maxkamadda sare Pro.Aadan Xaaji Cali uu kula balamay in ay sugaan muddo saacado ah, una balan qaaday in uu shirka talo-qaran uu ka soo saari doono go’aan sharci ah.