Borama (SLpost)- Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, ayaa ka qayb-galay furitaanka Shirweynaha 6aad ee Xisbiga Kulmiye oo maanta ka furmay magaalada Boorama, balse waxa aan madasha shirka ka soo xaadirin Xisbiga dhiggiisa ah ee WADDANI oo aan haba-yaraatee ka soo xaadirin shirka.
Lama oga in Hoggaanka Xisbiga Kulmiye ku marti-qaadeen Xisbiga Waddani iyo In Xisbiga ka gaabsaday kaqayb-galka shirka, balse waxa isagu shirka ka qayb-galay isla markaana weedho dardaaran iyo hoga-tusaaleyn ah ka jeediyey Murashaxii madaxweyne ku-xigeenka Xisbiga UCID Prof Axmed Xasan Abyan.
Xoghayaha Arrimaha Gudaha ee Xisbiga UCID Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax), ayaa hoggaaminayay Xubnaha Xisbiga UCID ee ka qayb-galay Shirweynaha 6aad ee Xisbiga Kulmiye.
Haddaba Muuqaalka Hoose ka Daawo Hadalka uu Prof Abyan ka jeediyey madasha Shirweynaha Kulmiye