Xisbiga Kulmiye oo Munaasibad soo-dhawayn ah u sameeyey Taageerayaal uga diga-rogtay Xisbiga Waddani

Xisbiga Kulmiye oo Munaasibad soo-dhawayn ah u sameeyey Taageerayaal uga diga-rogtay Xisbiga WaddaniHargeysa (SLpost)- Xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye, ayaa munaasibad soo dhaweyn ah u sameeyey taageerayaal baaxad leh oo ku soo biiray, kuwaas oo ka diga-rogtay Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani.

Taageerayaasha xisbiga Kulmiye maanta qaabilay oo isugu jiray Siyaasiyiin, xildhibaano golaha deegaanka ah, Aqoonyahan, Dhalinyaro iyo Haween, ayaa munaasibad soo-dhawayn ah xisbigu maanta ugu sameeyey Hotel Guuleed ee magaalada Hargeysa, waxaana xafladda kala qayb-galay hoggaanka sare ee xisbiga oo taageerayaasha cusub ee ku biiray oo si kal iyo laab ah ku qaabilay.

Xubno ka mid ah taageerayaasha cusub oo munaasibada ka hadlay, ayaa go’aankooda ku sababeeyey ka dib markii ay ku qanceen dhabbada uu dalka ku hoggaaminayo Xisbiga Kulmiye, isla markaana ay mudan tahay in la sheegay wax-qabadka xukuumaddiisu ku tallaabsatay.

HALKAN KA DAAWO