Xiisaha ku duugan Xog-warran lala yeeshay iyo Waayaha ku gedaaman Nolosha Suxufi Laxaadka Aragga Naafada ka ah oo ka hawl-gala Somaliland

Mowliid Maxamed Odowaa waa nin dhalinyaro ah oo mihnadda Saxaafadda kaga hawl-gala hay’ado warbaahineed oo Idaacadda Dawladda ee Radio Hargeysa ka mid tahay u xil-saaran barnaamijyo todobaadle ah oo uu soo saaro, laakiin waxa uu weriyeyaasha kale ee dhiggiisa ee inta badan bahda saxaafadda ka tirsan kaga duwan yahay inuu la’ yahay mid ka mid ah laxaadka ugu muhiimsan ee qofka bani’aadamka ahi ugu baahi badan yahay.

Mowliid waxa uu naafo ka yahay Laxaad Aragga, waxba ma arki karo, laakiin waxa uu u shaqaystaa isla markaana hawl-galmeedka u gutaa sida suxufiyiinta kale, isaga oo barnaamijyo todobaadle ah iyo qaar maalinle ahba oo dad badani ku xidhan yihiin dhegaysigooda ka sii daaya Idaacadda Radio Hargeysa iyo shabakadaha wararka ee dalka qaarkood.

IMG_1664Waxa uu waxabarashadiisa ka dhammaystay dugsiga ay wax ka bartaan dadka Laxaadka araggu ka maqan yahay oo magaalada Hargeysa ku yaala, waxaanu in badan oo qarkii ah iyo dad badan oo ay xirfad wadaag yihiin kaga duwan yahay ama la odhan karaa wuu kaga sarreeya aqoonta uu fursadda u helay barashadeeda.

Mowliid Odowaa waxa uu idaacada Radio Hargeysa maalinta Jimcaha gelinkeeda hore laga dhegaystaa barnaanijka Subax-wanaag ee maalin walba ka baxa Idaacadda oo uu isagu gacantiisa ku diyaarsado, kuna farsamaysto. Waxa kale oo intaas u dheer inuu yahay farsamo yaqaan dadka aqoontoodu ka daahan tahay farsamada cillad-ka-saarista Computer-radu ay ula yimaaddan isla markaana uu u hagaajiyo.

Heerarkii noloshiisa soo martay, guulaha uu ka gaadhay mihnadda Saxaafadda iyo dedaallo badan oo uu kaga gudbay waayihiisa nololeed oo dad badan oo ay wadaagaan laxaad la’aanta ka haysata indhaha kaga duwan yahay iyo waxyaabihii u suurto-galiyey inuu ka midho-dhaliyo heerka maanta uu taagan yahay iyo waxyaabaha u qorshaynsan ee mustaqbalka uu hiigsanayo, waxa xog-warran xiiso badan oo dhinacyo taabanaya kala yeeshay Wariye Maxamuud Walaaleeye oo ka tirsan bahda Himilo Media Group.

Xog-warran wariye Maxamuud Walaaleeye la yeeshay wariye Mowliid Odowaa oo xambaarsan arrimo xiiso leh, waxa aanu akhristeyaasha Himilo caddadka maanta ugu soo gudbinaynaa qayb ka mid ah waraysiga oo u dhacay sidan:-

Bal warbixin kooban naga sii waayahaagii waxbarasho iyo koriinkaaga. Naadafa aragtida miyaad ku dhalatay, mise si kale ayey ku timi?

Sannadkii 1995-ama 96-kii ayuu xanuunkan aragtidii iga lumiyey ila soo dersay, dhakhaatiirtu waxay ku sheegeen inuu sabab u ahaa xanuunka la yidhaahdo ee Somaalidu u taqaan Qoor-gooye (Meningitis), Illaahay mahadii waan ka ladnaanay xanuunkii inkasta oo aragtidii indhaha uu iga lumiyey.

Sannadkii 2000 ayaa magaalada Hargeysa imi, halkaana waayihii waxbarashadayda ka bilaabay. Waxaan ku horeeyey waxbarashada diinta, Illaahay mahadii Qur’aanka kariimka waan xafiday. Ka dib sannadkii 2006, oo markii ugu horeysay laga furay Hargeysa dugsi carruurta aragtida ka naafo ah wax ku bartaan luuqada (Parrel) loo yaqaan, ayaan nasiib u helay inaan ardaydii ugu horeysay ka mid noqdo. Sannadkii 2013 ayaan ka qalinjebiyey oo imtixaanadii shahaadiga ee wasaarada Waxbarashada la fadhiisanay ardaydii dalka, ka horna sannadkii 2010-kii waxaan fursad u helay inaan ka mid noqdo shaqaale afartan qof ah loo tababarayey wasaaradda warfaafinta, taasoo nasiibwanaag keligaybaa ku jiray qof laxaadka araga ka naafo ah, waxaan dhamaysanay 2012-kii, immikana waxaan ka mid ahay shaqaalaha wasaaradda warfaafinta, qeybta Radio Hargeysa. Waxa kale oo aan ka shaqeeyaa shabakada Toggaherer oo barnaamijyo u soo saaro todobaadkii.

Dugsiga dadka laxaadka aragtida ka naafo ah ee aad wax ka baranaysay immisaad ku qalinjebiseen, halkee ayey ku dambeeyeen intii kale ee aad ka war-haysaa?

J: Dugsiga oo hay’adda Doses of Hope gacanta ku haysay arday gaadhaysay ilaa afartan qof ayaan wax ku baran jirnay, inkasta oo fasaladoodu kala duwanaayeen, afar arday ayaan sannadkii 2013 imtixaanka ku gallay, Illaahay mahadii dhammaan waxaanu ku gudubnay dhibco aad u sareeyey, oo xafiiska imtixaanaadka qaranku si gaar ah noo xusay. Saddexdii arday ee kale wakhtigan waa macalimiin wax ka dhiga dugsigii aanu ka soo aflaxnay.

Waxaad sheegtay inaad yaraantaadii naafo ka noqotay laxaadka agartida, sidaad ku heshay fikrada waxbarashada iyo dhisidda noloshaada, yaa kugu dhiiriyey ama ku gacanqabtay?

Waa dhab, Maxamuudow, kollay cid ku taageerta ama ku gacanqabata kama maarmaysid, marka qofku sidayda laxaad muhiim u ah noloshiisa tebayo, dabcan waan xasuustaa sannadkii 2000 markaan Hargeysa imi, Allif-wax-malle maan aqoon. Kheyr Alle ha siiyee adeerkay ayaan aad u xasuustaa, oo waxbarashadayda aasaaskeedii iyo bilowgeedii sabab u ahaa, iguna gacanqabtay, oo sabab u ahaa sida aan maanta bulshada inteeda kale wax ula qeybsanayo, idanka Alle marka laga yimaaddo.

Markaad u soo boqoshay Imaatinka caasimada hargeysa, muxuu ahaa hadafkaagii koowaad, aqoontaada waxbarasho heerkee ayey gaadhsiisan tahay, maxaadse rajeynaysaa?

Runtii, hadafka waxbarashadu igama madhnayn, maadaama qof aragtida ka naafo ah la odhan karo suurtogal uma ah inuu nolosha adag ee miyiga ku galo, ee xoolo raacis iyo iwm ee xubnaha qoysku qabanayaan.

Sidaa darted tegitaankaaga Bandarka (Magaalada) ayaa kuu sahlaya inaad kaalintii bulshada qeyb ka qaadato, markaad aqoon yeelato ayuu hamigaygu ahaa, Illaahay mahaddii midhaheedii waatan maanta aan hayo.

Illaahay ayaan ugu mahadnaqayaa inaan wax barto oo jahligii ka xoroobo oo bulsadii qeyb ka noqdo, oo maanta haddaan halkaa maro, inkasta oo bulshadeenu indho-ku-garaadle tahay, oo odhanayso ‘ninkaasi wuu indho la’ yahay’, haddana shaqooyinkii kala duwanaa ee bulshadu qabsato waan qabsan karaa, ama qaarkood heer aanay qabsan karin ayaan awoodaa qabashadeeda.

Marka laga yimaaddo waxbarashadii nidaamiga ahayd ee dhameeyey, waxaan sidoo kale bilaabay inaan qaar wax u barto, oo immika Kombuutarkan I horyaala oo borograam Jaws la yidhaahdo ku jiro, waxa uu samaynayaa cod, waxbaan ku duubtaa, ku Farsameeyaa, wax kaga beddelaa, sida qofka laxaadka aragtida qaba u adeegsado ayaan u adeegsadaa, balse weliba mararka qaarkood ay jiraan dad iigu yimaadda cillado kombuutarkooda ku yimi inaan wax kala qabto. Immika markaan dugsigii soo dhamaystay ma jirto jaamacad wax ka baran karaan dadka laxaadka aragtida ka naafada ah, markaa waxbarasho dibedeed inaan helo waan jeclaan lahaa aan aqoontayda ku sii horumariyo. Inta ka horeysana, hadba halkaad joogto ayaa wax laga noqdaa oo laga muuqdaaye inaan halkan wax ka noqdo ayaan doonayaa, oo ilaa intaan ka sii gaadhi karo barashada aqoontaba sii gaadho. Waxaan kaloo jeclaan lahaa in marka qof laxaadka ka naafo ah la arko oo waxbartay in bulshadu iyaduna qeybtooda qaadato oo intaasuu soo dedaalee la gacanqabto, dhinacii shaqada hadday tahay, iyo dhan walba.

Mowliid waxaad tahay weriye idaacadda Radio Hargeysa barnaamij ka baahiya, dhegeystayaashaaduna in badani magacaaga taqaanno, sidee dareemi lahayd marka muuqaagana ay bartaan isla markaana ogaadaan inkastoo aad laxaadka aragtida tebayso, haddana ula dhaqmayso sidooda?

Kkkkkkkkkkkkk, Maxamuudow, waa su’aal wanaagsan oo iga qoslisay. Waa run, waxa laga yaabaa dad badan oo barnaamijyada aaan baahiyo dhegeysta, ama ka idaacada Radio Hargeysa ee Jimacaha baxa (Subax Wanaagsan) ha noqdo ama qaar aan soo diyaariyo sida ka “dunnida Muslimka’ oo dhegsytayaashu maqlaan diyaarintii Mowliid Maxamed Odowaa, ama ka shabakada Toggaherer ha noqdee, oo barnaamijyo sida Fanka iyo Suugaanka, Qubanaha aan ka sii daayo oo daafaha dunida dhamaantood gaadhaya, markaa way dhici kartaa in inbadan oo dadka ka mid ah markay ogaadaan in soo saaraha barnaamijyadaa kala duwan uu yahay nin laxaadka aragtida ka naafo ah inay u qaadan waayaan, kuna jawaabaan macquul maaha, laakiin waa wax la baran karo, anniga qudhaydu, wallaahi qofka illa yaaba, ayuunbaan anna la sii yaabaa!

Magaca indhoole, wuu liidan yahay, ama Nusqaan ayuu xambaarsan yahay, sidaad dareentaa marka dad caqligoodu siiyo inay ku dhawaaqaan. Waa maxay erayga ku haboon dadka kula midka ah in loogu yeedho?

Waa su’aal wacan, waxaan filayaa in hay’adaha warbaahinaha afsoomaaliga ku hadla qeybahooda kala duwan wareysiyo ayaan siiyey aan ka ahayn joornaalada, maantana waa u sharaf in wargeyska HIMILO noqodo kii ugu horeeyey ee u hollada soo gudbinta dareemada iyo hiigsiga qeby bulshada ka mid oo si loo baalmaro ama loo haysan inay baahi ka dadka kale la mid qabaan.

Kelmada “Indhoole” waa mid xumaan sheeg ah, qofka ku dhawaaqana xumaan doon yahay, anniguna dhab ahaan waa kelmada aan aad u necebahay, qofka iila badheedhana uma dulqaato. Ilaahay quraanka kariinka waxuu ku sheegay aayad macnaheedu yahay “aragti la’aantoodu maaha xaga indhaha, ee waxay la’yihiin indhaha qalbiga” aratidu maaha kuw aindhaha ee saxarka laga ilaaliyo. Quraanka ilaahay waxuu inoogu sheegay in gaaladu ama dadka bila aimaanku indho la’a yihiin, haddana ma indho la’a ee waa kuwa yaacaya dunnida, indho la’aantu waa indhaha qalbiga, ee maaha kuwan muuqda. Markaa horta bulshada waxaan u soo jeedin lahaa aynu isla fahamno indha la’aanta ay ka hadlayaan kuwa ay yihiin, anniguba dad ayaan u aqaanaa inay indhoole yihiine. Kelmada aan jeclahay annaguna isticmaalo, bulshada iyo warbaahintuna adeegsato waa “ka naafo ah aragtida (Visually impaired) illay ma indho li’i oo waaniga ku soo eegayee, aragtidii ayaan ka naafoobay.

HIMILO