XEERKII HORE TUUR KU KALANA DIID Q.3aad

Xeerkii hore Doorashada Wakiiladu waa run wuxu ahaa mid saami qaybsiga kuraasida ee gobolada Somaliland loogu talogalay doorashadii wakiilada ee September 2005tii oo keliya. Si looga guuro xeerkaa hore ayaa laftiisu xusayay in la helo tiro koob sax ah oo laga qaado dhamaan gobolada iyo degmooyinka dalka oo dhan si loo heli karo macluumaad sax ah si loo curin karo siyaasad qaran oo laga duuli karo dhinaca saami qaybsiga kuraasida gobolada Somaliland. Nasiib darro ilaa maanta oo toban sanadood laga joogo doorashadii wakiilada ma jiro wax tiro koob ah oo la sameeyay. Waxa ka daran lama laha xeerkii hore ha lagu sameeyo kaabis iyo wax ka bedel gaar ahaan qodobka saami qaybsiga oo xildhibaanada ka soo jeeda Gobolka Awdal ay si gaar ah uga biyo diideen balse markii ay qaadaceen fadhigii golaha waxay ugu dambaystii ay noqotay in gebi ahaanba laga saaray ajandahii Kalfadhiga Xeerkii Doorashada Wakiilada si dib loogu soo curiyo Xeer Cusub, sharci iyo sharci darro kii ay doontaba ha noqoto eh. Waxa se run ah ajandaha golaha ayaa ansixiyay Gudoomiyaha 2aad xaq uma laha in uu ka saaro hadii aanu golaha cod ka qaadin.
Marka laga reebo arinta saami qaybsiga lama oga xeerkan cusubi waxa kale uu kaga duwanaan karo xeerkii hore ee daaqadda laga tuuray.
Hadaba arinta Xeerka Doorashada wakiiladu hadii aanay ahayn wax looga gol leeyahay in qiil uu u noqdo muddo kordhin kale oo wakhti lumis uun ahayn intee ayuu ku soo dhamays tirmi karaa kuna soo geli karaa gacanta Komishanka Doorashooyinka?, si loo dhaqaajin karo hawlaha kale ee doorashooyinka oo sida muuqata dhamaantoodba ku xidhmi kara jawaabta sua’aashan oo aan runtii ilaa iyo hadda cid garanaysaa jirin.
Xeerka cusub ee la soo wado waxa la ina leeyahay wuxuu noqon doonaa Xeer aan ku meel gaadh ahayn sidii kii hore doorashadan oo keliya loogu talogelin ee uu noqonayo mid rasmi ah oo si cadaalad ah gobolada dalka ugu saami-qaybinaya kuraasida Aqalka Wakiilada. Waayahay, ha samaato oo ha la helo waana looga fadhiyaa.
Anigu waxan saadaalinayaa in xaalku aanu noqon doonin sida wax la inoogu sheegayo saami qaybsi cadaalad ahina aanu marnaba suurtogeli doonin ilaa la helo tirokoob saxa ama xataa sax u dhaw iyo macluumaad dhamays tiran oo lagu salayn karo siyaasadda qaran ee laga duulayo marka ay tahay sami qaybsiga kuraasida Aqalka Wakiilada ee gobolada Somaliland.
Sidaa daraadeed waxan leeyahay bal aan dhawrno oo indhaha ku hayno cidda ay sharci ahaan hawshani u taal goorta ay wax soo dhamaystirto iyo waxa ay la Shir timaado. Waxa kale oon jecelahay in si gaar ah aan hoosta uga xariiqo in ilaa la helo Xeer lagu dooran karo xildhibaanada Aqalka Wakiilada inta ka horaysa aan lagu kalsoonaan karin inay doorashooyinka is huwan ee madaxtooyada iyo Wakiiladu ay ku qabsoomi karaan taariikhda uu madaxwaynuhu digreetada ku soo saaray ee 28 bisha March 2017ka waxa laga fishaana ay noqon karto muddo kordhin kale weliba marka ay arinka ku darsanno doorashada oo aan ka mid ahayn arimaha ay xukuumaddu siinayso mudnaanta koobaad xiligan ay ku naaloonayso muddo kordhin aan gar iyo daw midna ahayn hadana ay ka fursan wayday in la iska ogolaado markii tii kaleba noqotay tu ka sii xun iyo in la isla wada dego

CALIGUREY