Xasan Ciise Jaamac Oo Sheegay In Haatuf Iyo Xaqsoor Lagu Qaaday Colaad Hore Oo Ah Wakhtigii SNM

Hargeysa(SLpost)-Siyaasiga caanka ah Mujaahid Xasan Ciise Jaamac, oo ah madaxweyne-xigeenkii u horeeyay ee Somaliland iyo guddoomiyaha urur siyaasdeedkii Xaqsoor, ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray wuxuu kaga hadlay sannad guurada labaad ee ka soo wareegtay xayiraadda saaran wargeyska Haatuf.

1

Mujaahid Xasan, wuxuu warsaxaafadeedka ku sheegay in xayiraadda wargeyska Haatuf la xidhiidho colaad hore oo ah wakhtigii SNM, taas oo uu xusay in sidoo kale lagu qaaday ururkii Xaqsoor, isagoo xusay in lagu aargoosanayo awooda dawladeed ee amaanada ah. Warsaxaafadeedka ayaa u qornaa sidan “Soomaalidu waxay tidhaa wixii tagay tiigsimaad ma leh.waxay iloobeen inay ku daraan wixii tagayse isaga ayaa soo tiigsanaaya xaaladaha dambe ee taagan.

Todobaatankii sanadood ee u dambeeyay nidaamka aduunka ka shaqeeya,sida Baanka adduunka,Qasnada caalamiga ah ee IMF,Jimciyada Qaruumaha ka dhaxaysa,Gaashaan buurta NATO iyo cilaaqaadka Dawladda, Barriga iyo galbeedka iyo kuwa hore u maray iyo kuwa soo koraya, waxa weeye natiijaddii ka dhalatay dagaalkii dunida ee labaad. Dhinaca Somaliland go’aankii la gaadhay 26 June 1960 in Xamar lagu biro ayaa maanta hortaagan ictiraafkii.  Waxa kale oo hortaagan go’aanka aan la gaadhin ee aan lagu biirin barwaaqa sooranka.

Haatuf lama garan waayin in la yidhaahdo,sida caadiga ah, waanu aqoonsanay warkii aad arintaas ka qorteen, ee imika soo qora warkan kale ee kaas hore ka soo horjeeda, si ay akhristayaashu u fahmaan warka iyo dooda dhinacayagana.

Waxa lagu qaaday colaad hore oo wakhtigii SNM loo qaaday hogaanka Haatuf. Sida xaqsoor loogu qaaday colaad hore loogu qaaday hogaanka Ururkaas. Waxa lagu aargoosanayaa awoodii dawladeed ee mudada kooban amaanada loogu hayey eey ahayd inay dadka dhex u ahaato. Waxaana lagu aargoosanayaa dembiyo aan laga gelin.

Colaadihii hore kuwa wakhti dheer socda ayaa la odhan jiray,wiilkii dhashay colaadaas oo socota ayaa isagoo weynaaday ka qaybgalay. Colaadaha noocani marka ay  sii socdaan ee dad aan wakhtigay bilaa bantayba joogin soo galaan ee dameeri dhaanraacday miidhan; soo dulbuuxiyaan iyaga oon fahansanaynba meel la iskala qaaday, wax keliya ee kuu furani waa inaad Ilaahay arinta u celiso ood tidhaahid Allahayaw dadkaagan u kala markhaati fur intaanad kala dirin Aamin.”