“Wixii Heshiisyo ah ee lagu galo Muqdisho, anaga nama khuseeyaan Waxaanu Nahay Dal Madaxbanaan..” Wasiir Xirsi

Hargeysa (SLPOST)  Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan,  ayaa sharaxay ujeedda kulan ay wadda yeesheen Guddida Somaliland u matalaysa Wadda-hadaladda Somaliland iyo Somalia u socda oo uu Xubin ka yahay.

xirsi

Wasiir Xirsi oo markii uu kulankaasi dhamaadday ay Warbaahintu wax ka weydiisay ujeedda kulankan, waxa uu sheegay in ay Guddi ahaan u soo diyaar-garoobayeen wadda-haddalo kale oo ay yeesheen Somaliland iyo Somalia.

 Waxaana haddaladisii ka mid ahaa  “Inaanu u sii diyaar garawno oo wax iska sii waydiino wada hadalada soo socda ayuunbay khusaysay oo shaqo maalin leh ah oo noo socotay ayay ahayd, markaa wuxuu wasiirka khaarajigu noogu yeedhay inaanu is waraysano dadka kale ee Reer Somaliland ahna wixii talo iyo tusaale ay hayaan aanu waydiino oo aanu la wadaagno” ayuu yidhi  Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan .

Wasiirka oo la weydiiyay in heshiiskii ay dhawaan kala saxeexdeen Dawladda Somalia iyo Qaramadda Midoobay, waxa uu ku jawaabay  “Wixii heshiisyo ah ee lagu galo Muqdisho anaga nama khuseeyaan, waxaanu nahay dal madax banaan oo khayraadkiisa, maamulkiisa iyo siyaasadiisa u madax banaan ayaanu nahay. Duniduna way noo timaadaa waanu la macaamilaa”.

Somalilandpost.net

Hargeysa/Somaliland