Wikileaks oo baahisay qorshe lagu afgambiyi lahaa Somaliland iyo Puntland

 

Hargeisa(SLpost)-Warbixin ay soo daabacday shabakada wax kashifta ee WikiLeaks bishan ayaa lagu sheegay in ururkii Maxaakiimta Islaamiga ah ay qorsheynayeen in ay afgambiyaan  dawlada Somaliland iyo Maamulka Puntland ka hor inta aanay ciidamada Ethiopia burburin ururkan sanadkii 2006.

 

Sida ay shabakadan daabacday mid kamid ah hogaamiyaashii Maxkamadaha Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa qoraal sir ah oo uu ugu direy email dhammaan hogaamiyaashii ururkaas, waxa uu ku sheegay in loo baahan yahay in ciidamadoodu ay si qarsoodi ah ugu biiraan  askarta Somaliland iyo maamulka Puntland taasoo marka dambe suurtogelin karta in la afgambiyo labadaba.

 

Qoraalka Emailka ah ayaa Sheekh Aweys uu ugu sheegay hogaamiyaashii Maxkamadaha in ay muhiim tahay in wasiiro iyo mas’uuliyiin ku yeeshaan labadaba Somaliland iyo Maamulka Puntland si marka dambe loogu soo rogo ku dhaqanka shareecada Islaamka.

 

“In laga furo Maxkamado Puntland iyo Somaliland waa muhiim, waxa aan ka iibsan karnaa ciidamadooda hubka ay haystaan, waana inaan ka joojino hubka soo galaya  Somaliland iyo Puntland ee ay dawlada Soomaaliya u direyso.”ayuu  Sheekh Aways ku sheegay emailka.warbaahinta Tooshnews

 

Si loo hirgeliyo qorshahan ayaa shabakada Wikileaks waxa ay qortay in Sheekh Xasan Dahir uu ku taliyay in si dhakhso ah loo bilaabo sidii la isugu dayi lahaa in la xumeeyo xidhiidhka u dhexeeya maamulka Puntland,dawlada Somaliland iyo Ethiopia iyadoo loo marayo hogaamiyaasha qabaa’ilada.

 

“Waa inaan ka iibsano hubkooda culus annagoo lacag badan ku bixinayna.”ayaa lagu qoray email cinwaan loogaga dhigay “Sir Culus”.Qorshayaasha ka baxsan hogaamiyaasha Maxaakiimta ayaa waxaa ka mid ahaa in la aasaaso koox si gaadmo ku ugaadhsata oo ku disha madaxda Puntland iyo Somaliland.

 

Source:Toosh