Wiilkii Askarigu Ku Toogtay Saldhiga Ibraahin Kood Buur Oo Geeriyooday iyo Walaac Shacbiga Soo Food Saaray

 

Hargeysa(SLpost)-Waxa cisbitaalka guud ee Hargeysa ku geeriyooday Cabdilaahi Dayib Cabdi oo askari shalay ku toogtay isaga oo ku xidhan saldhiga Ibraahin koodbuur.

download

wiilka ayaa ciidanka boolisku uu u xidhay rabshado dhawaan dhul layskuhaystay ka dhacay, waxaana taliyaha ciidanka booliska Cabdilaahi Fadal Iimaan oo warbaahinta la hadlay uu ku tilmaamay dilkaas mid shil ah, askariga toogtay wiilkan yar ee geeriyooday ayaa xabad gudaha ugu galiyay shabagii ay ku xidhnaayeen kadib markii gudaha sida ay boolisku sheegeen ay ku dagaalameen laba maxbuus.

inkasta oo taliyaha ciidanka booliska Cabdilaahi Fadal uu sheegay in dilkaasi ku dhacay si kama ah lana xidhay askarigii dilkan gaystay hadana shabiga Somaliland ayaa ka walaacsan sida tudhaad la’aanta ah ee ciidanka boolisku ay ku waajahayaan shacbiga aan hubaysnayan.