TOG-WAJAALE: Weriye Mukhtaar Nuux Ibraahim iyo Wasiirro Galbinaya oo xuduudka Itoobiya ka soo tallaabay

mukhtarTOG-WAJAALE (SLpost)- Weriye Mukhtaar Nuux Ibraahim oo ka tirsan Hawl-wadeennada Telefishanka HCTV ee gobolka Gabiley, ayaa maanta si ballaadhan loogu soo dhaweeyey magaalo-xuduuddeeda Tog-Wajaale, ka ddib markii uu maanta xorriyaddiisa dib u helay muddo Afar todobaad ah oo uu af-duubnaa dowlad-deegaanka Soomaalida ee Itoobiya.

Weriye Mukhtaar Nuux oo muddo dhowr todobaad ah ku xidhnaa dhinaca Itoobiya ee magaalo-xuduudeedka Tog-Wajaale, waxa soo galbiyey Wefti Wasiiro u badan oo uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Maxamed Waran-cadde oo Dorraad socdaal ugu baxay magaalada Jigjiga ee dalka Itoobiya, kuwaas oo ujeeddada socdaalkooda uu ku jiray Weriyahan oo ciidamada Ammaanka ee Dowlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya ka Afduubeen magaalada Tog-Wajaale.

mukhtarr

Halkan ka daawo Warkan